Ciidamada dowladda KMG ah oo si rasmi ah ula wareegay degmooyinka Dayniile, Kaaraan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa Saakay Waaberigii lagu arkayey  xaafadaha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhex maraya, waxayna ciidamadu ahaayeen kuwo si aad ah ugu hubaysan Hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanayey ayaa saakay lagu arkay deegaano ay ka mid ah isgoyska Sanca, Fagax, Sheekh Muxyadiin iyo deegaano kale.

Dabaabaadka dagaalka oo noocooda kala duwan ayaa ka  dhex muquuranayey deeganadaasi, iyadoo dadkii fara ku tiriska ahaa ee deeganadaasi ku haray ayaa iyaguna wadooyinka isugu soo baxay, waxayna dhaweynayeen Ciidamada oo si taxadar leh u dhex marayey gudaha xaafadaas, iyagoo ugu hambalyeenaaya guulaha ay dagaalada ka gaareen.

Balse Saraakiisha Ciidamada Horkacaysa ayaa saxaafadda u sheegtay inay qorshaynayaan inay gebi ahaanba la wareegi doonaan caasimada Muqdisho, waxayna sheegeen inay sidoo kale baacsan doonaan haraagii Al-Shabaab eek u dhuumaalaysanaaya qeybo ka mid ah  Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay degamada Dayniile ee gobolka Banaadir kaddib howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ay ka mid tahay warshadii Birta iyo Goobo kale.

G/sare C/laahi Cali Caanood oo ah Taliyaha guutada labaad ee Madaxtoyada Qaranka Soomaaliyeed oo goor dhow waraysi siiyay idaacadda qaranka ayaa sheegay in saakay ay billaabeen howgal aad u ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimada waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladda ay la wareegayn aruurtii idaacadda Hoon Afriik, warshadii Ifka xalane iyo warshadii Birta deegaanka Gubta iyo meelo kale.

Sidoo kale Taliye Caanood ayaa sheegay in wali uu socdo howgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomalaiyeed, islamarkaana uu sii socon doon inta lagu xureeyo dalka kooxda cadowga ah.

Hase ahaatee Taliyahu wuxuu sheegay in aysan wax khasaaro soo gaarin ciidamada xoogga balse uu tilmaamay meelaha ay gaarayn ciidamada in lagu arkay dhiig fara badan iyo dhaawacyada kooxda Shabaab ay  ka cararayn.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: