Augustin Mahiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay shaqaale iyo ciidamo u soo dirayso Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaali Augustina Mahiga oo qadka taleefoonka kaga qeyb galay kulan xubnaha golaha amaanka ee Q,M ku yeesheen magaalada New York ayaa sheegay inay dhawaan Q,M ka hawl galayso Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Augstina Mahiga ayaa wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dabayaaqada sanadkaan qorshahoodu yahay inay Soomaaliya keenaan labaatameeyo shaqaale aj oo ka hawl gala Muqdisho oo dhawaan gacantta u gashay dawlada KMG ee Soomaalia waxaana uu golaha amaanka ka dalbaday in Soomaaliya loo soo diro illaa iyo 300 oo askari oo illaaliya shaqaalaha Q,M iyo kuwa hay’adaha samafalka ee Soomaaliya.

Ergeygu wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay xoojin doonto joogitaankeeda Soomaaliya si ka badan sidii la filayay si gaar ah waxaa uu u xusay inay xoojin doonaan hawlaha ay ka wadaan m/mul;ada Soomaaliland iyo Puntland.

Balse Ergeyga ayaa sheegay in tilaabadii ay ururka Al-Shabab ku baneeyeen fariisimihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ay ku timid guul darro iyo awoodoodii oo wiiqatay, wuxuuna xusay inay xog ku hayaan in dagaalyahanada Shababku Muqdisho uga baxeen Sadex jiho willina ay jahwareer ku jiraan waxaana uu sababeeyay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin khilaaf dhexdooda soo galay.

Ergeyga waxaa uu tilmaamay in haatan ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku hayaan 95% taasina ay muujinayso yididiilo nabadeed.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: