Xaaladda Abaaraha dalka Soomaaliya iyo sida ay u socdaan howlaha gurmadka degdegga ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 undefinedHalkaan ka akhri

VIDEO-GA ABAARAHA

Jaamacadda Muqdisho iyo Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo gargaar kala duwan u qaybiyey qoysas ka soo barakacay abaaraha.

Warar  la xiriira gurmadka abaaraha ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in  Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta gargaar kala duwan u qaybisay 500 oo qoys oo ka mid ah dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay Gargaarkan ayaa isugu jiray caano, daawo, dhar iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dad ku jira kaam ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gargaarkan ayaa qayb ka noqonaya gargaarro uu guddigan u horay uga qaybiyay kaamam ku yaalla Muqdisho.

Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ah Madaxa guddiga gurmadka Jaamacadda Muqdisho ahna diiwaan hayaha jaamacadda  ayaa wuxuu warbaahinta uga hadlay markii bixinta deeqda ay dhammaatay in gargaarkan uu yahay mid ay iska soo ururiyeen ardayda jaamacadda, macallimiinta, maamulka iyo saaxiibbada jaamacadda Muqdisho.

Madaxa guddiga gurmadka Jaamacadda oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Kaalmadan waa mid ka duwan kaalmooyinkii aanu horay u bixin jirnay. Waayo waa gargaar ay iska soo ururiyeen maamulka, macallimiinta, saaxiibbada iyo ardayda jaamacadda Muqdisho, runtiina waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday,“ wuxuuna sii raaciyey ee uu yiri: “Gargaarka waxaa ku jiray caano aan ugu talogalay in lagu soo celiyo nafaqada caruurta iyo hooyada nuujinaysa, waxayna ahaayeen caano nafaqeysan,” ayuu ku daray hadalkiis Dr. Liibaan oo sharraxayay noocyada kaalmada ay bixiyeen.

Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) wuxuu sheegay in dawada ay qaybiyeen ay ugu talogaleen in lagula dagaallamo cudurrada faafa, isagoo sidoo kale sheegay in dharka ay ugu talogaleen in dadka barakacayaasha ay xirtaan maadaama aysan haysan dhar wanaagsan.

Dhinaca kale, Qoysaskii gargaarka loo qaybiyay ayaa waxay u mahadceliyeen maamulka, ardayda iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho, iyagoo sheegay in gargaarka loo qaybiyay uu yahay mid lagu soo beegay xilli ay u baahnaayeen.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horreysay  ee ay Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho ay kaalmooyin ka bixiyay kaamam ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan dad kasoo barakacay abaaraha dalka ku dhuftay.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo gar gaar ugu qeybisay Gobolada Bay iyo Bakool

Sidoo kale Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa deeqdii u horeysay ee gar gaar ah samafal ah gaarsiisay Gobolada Bay iyo Bakool, halkaasoo 2500-qoys ugu qeybisay Raashin isugu jiray Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid, xilli abaaro ba’an ay ka jiraan deegaanada Goboladaas.

Shirkada ka jawaabeysa qeyla-dhaanta abaaraha iyo baahida deg deg ah ee xilligan ka jirta Gobolada dalka, ayay mar kale tallaabo ugu qaaday gar gaar gaarsiinta shacabka tabaaleysan ee ay Abaaraha ceyrteeyeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Shirkada ay qoys walba gaarsiisay 25Kg, Bariis iyo Bur, 5Kg Sonkor iyo 3Kg oo Saliid ah, taasoo ay aad ugu farxeen shacabkii dan yarta ahaa oo isugu jira dad curyaan ah, waayeelo, haween iyo caruur aad uga muuqatay saameynta abaaraha xilligan ka jirta Gobolada Bay iyo Bakool oo lagu calaamadeeyay inay yihiin kuwo uga daran ee abaaruhu ku dhifteen.

Hase ahaatee Shirkada ayaa waxay deeqdan  ka qeybisay degmooyinka Baydhabo oo 1300-qoys ay raashin ugu qeybisay, deegaanka Caliyow Muumin 200-qoys, Waajid 200-qoys, Ceelboon 200-qoys, Rabdhuure 150-Qoys, Tiyeeglow 200-qoys iyo Tuulooyin ka tirsan Xudur oo 300-qoys loo qeybsshay raashinkaas.

Sida ay soo sheegeen Gudiga Shirkadda u qaabilsana gurmadka abaaraha in dhamaan deegaanada ay gar gaarka gaarsiiyeen ay ka jireen abaaro iyo gaajo daran, iyadoo hadafka Shirkada ay ku sheegeen inuu yahay sidii loo gar gaari lahaa walaalaha Soomaaliyed ee dhibaateysan, si looga hortago macluusha iyo barakaca ka jira deegaanadaas, isla markaana Mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo kaalmeyn lahaa.

Dhanka kale Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxay dhowaan ilaa lix kun oo qoys gar gaar ugu qeybisay Gobolada Banaadir iyo Shabellaha Hoose, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ee Badbaado ee duleedka degmada Dharkeenley iyo deegaanka NO-50 oo min saddex kun qoys ugu kala qeybisay, dadka abaaraha ka soo barakacay ee dib u dejinta loogu sameeyay.

Hase yeeshee howlaha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ugu gurmatay shacabka Soomaaliyed ee abaaraha maasheeyeen ayaa waxaa ugu baxday 500-kun oo doolarka Mareykanka oo Shirkada ugu tala gashay kaalmada gar gaarka iyo deeqda ay gaarsiisay dadka tabaaleysan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: