Ururka Midowga Afrika oo dalbaday in ciidamo dheeraad ah lagu soo kordhiyo Howlgalka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan isbedeladii ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana magaalada inteeda badan ay gacanta u gashay Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM, wuxuuna sidoo kale Ururka Midowga Afrika ka hadlay istiraatiijiyada kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ay la maagan yihiin goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Jan. Fered Mugisha oo ah Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku hayaan magaalada Muqdisho 90%, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijiya amniga iyo kala dambeynta magaalada Muqdisho, bacdamaa sida uu sheegay afhayeenka AMISOM aanay ku filneyn ciidamadooda jooga Muqdisho sugida nabadgelyada guud ahaan magaalada oo dhan.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah loo baahan yahay oo lagu biiriyo kuwa AMISOM ee magaalada Muqdisho ka howlgala, waxaana dalabka ka soo baxay Midowga Afrika lagu sheegay in beesha caalamka ay ka qeyb qaadato hannaanka dalka Soomaaliya dib loogu soo celinayo nabadgelyada iyo taageerada Dowladda KMG ah.

Dhanka kale Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in magaalada Muqdisho oo inteeda badan ay maamulaan ciidamada Dowladda KMG ah iyo AMISOM loo baahan yahay in ciidamo tiradoodu dhan tahay 3000-Askari lagu kordhiyo si ay uga howlgalaan goobihii ay ka baxeen kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida.

Ururka Midowga Afrika ayaa wuxuu baaq u jeediyay wadamada Afrika inay ciidamada dheeraadka ah u soo diraan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale Midowga Afrika dalbaday in ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho la siiyo diyaaradaha dagaalka, isagoo digniin ka bixiyay khatarta ka imaan karta dagaalyahanada Shabaab iyo Al-Qaacida ee ku sugan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: