Sheikh C/ Xakiim Sh. Cali Suufi oo MuxaadaroTaxana Diini ah ka bixinaya Masjidka Turkiga ee magaalada Zürich Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa maalmahan Masjidka Turkiga  ee Magaalada Zürich ka socday barnaamijyo Diini ah iyo Muxaadarooyin waxtar u leh dadka Muslamiinka ,waxaa bixinayey Sheikh C/xakiim Sh. Cali Suufi oo Sanadkasta yimaado Kanton Zürich.

Muxaadarooyin uu bixinayey Sheikh C/xakiim ayaa waxaa gundhig u ahaa Duruus si toos ah u taabanaysay guud ahaa  Umadda Muslimka,  gaar ahaan Soomaalida ku nool Qurbaha, waxaana ka mid ahaa U safarka Aakhiro iyo   Fadaa’il-ul-Acmaal.

Sidoo kale Duruustii uu sheikhu bixinayay ayaa waxaa ka mid ahaa Quluubta Muslamiinta,Midnimada Umadaha Islaamka ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ee dagaalka ahliga ku kala tegay, balse loo baahan yahay inay ku midoobaan Xariga Alle iyo Sunnada Nabigeena Maxamed “Naxariis korkiisa ha ahaatee”

Maalintii shalay ahayd  Sheikh C/xakiim wuxuu muxaadaradiisa taxanaha ah uu uga hadlay Xiriirka labada qof  ee is qaba, wuxuuna tusaale u soo qaatay Sida wanaagga ahayd ee  Nabi Maxamed CSWS ula dhaqmi jiray Xaasaskiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in Nabigeennu uu kaalmayn jiray Xaasaakiisa marka uu joogo guryihiisa.

Sheikh C/xakiim  ayaa u sheegay Soomaalida joogtay Muxaadaradaas inay wanaagsanayn in qofka Ragga ahi uu dabagal ama baaris ku sameeyo Xaaskiisa, taasi oo ay keeni karto Ceeb iyo wada noolaasha la’aan iyo burbur ku yimaado gurigii dhisnaa, sidoo kale wuxuu tusaale ahaan u soo qaadanayey sheekooyin dhex martay Nabiga iyo Xaasaskiisa gaar ahaan Isaga iyo marwadiisa Caa’isha  .

Dhanka kale Sheikh C/xakiim sh. Cali Suufi wuxuu caddeeyey in Diinta islaamku aysan ahayn Diin xerxeran oo ciriiri ah, balse ay tahay Diin Raxmad badan, wuxuuna qodobkaas uga hadlay si cad oo waafi ah in Quraanka Kariimka iyo Sunnada Nabigeena CSWS nagula faray inaan ka shidaal qaadano dhaqanka suuban Nabi Maxamed iyo Axsaabtii ka danbeysay ay ku dhaqmi jireen

Hase yeeshee Sheikh C/xakiim wuxuu ka hadlay xiriirka iyo calaaqaadka labad qof oo Muslimka ah inuu yahay inay isugu kaalmeeyaan Kheyrka iyo wanaaga, balse ma ahan inay isugu kaalmeeyaan xumaan iyo sharta.

Ugu danbeyntii  Sheikh C/xakiim sh. Cali suufi, wuxuu ka haday Ka digtoonaanta Adduun Jaceylka, wuxuuna sheegay in haddii uu qof aadanaha ahi uu is Raacsiiyo Hawada Adduunka oo keliya ay u horseedi karto inuu maro waddo Xun oo dhib badan ee ay u dhowdahay inay u horseedo Aakhiro beel iyo Adduun beel intuba, waayo ayuu yiri Sheikhu Adduunku waxaa lagu yahay Safar oo loogu socdo Aakhiro.

SomaliSwiss    Zürich

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: