Madaxweyne Shariif oo dowladda Tanzania ugu mahad celiyay deeq ay siisay dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxwanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku sugan dalka Tanzania ayaa xalay casho sharaf  u sameeyey magaalada Darasalaam  dhiggisa dalkaas Jikaaya Kicweita isagoona uga mahad celiyay deeq ay dowladda Tanzania ay siisay dalka Soomaaliya.

Casho sharafta loo sameeyay madaxwaynaha dowladda  Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa marka ay soo idlaaday ayaa waxaa khudbad ka jeediyay halka  xaflada casho sharafta loogu sameeyay oo ahayd xarunta madaxtooyada dalka Tansaaniya, wuxuuna madaxweynaha uga mahad celinayo dhiggiisa dalkaasi Jikaaya Kicwate sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay dalkiisa.

 Madaxweynaha dalka Tanzania wuxuu miijiyay sida au uga go’antahay in uu caawiyo dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda, madaxwayne Shariif ayaa mar kale uga mahad ceilay deeq ay dowladda Tansaaniya ugu talla gashay dadka Soomaaliyeed ay abaaharu saameyeen.

Sidoo kale Madaxwayne Shariif ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka dalka Soomaaliya waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ay guullo ka gaartay howgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fulisay magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray laga adkaaday kooxda Shabaab iyo Ajaanibtii dagaalka ka waday guddaha Soomaaliya walina ay socdaan dadaalka ammaanka dalka oo dhan lagu sugayo.

Dhanka kale Madaxwaynuhu wuxuu ugu  baaqay caalamka in ay qaataan doorka kaga aadan taageyrida dowladda Soomaaliya gaar ahaan in laga caawiyo arrimaha abaaraha iyo in ay laba jibaaraan gurmadka Soomaaliya laga wado, waxa uu intaa ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo celin doono adeegyada bulshada maadaama ammaanka hormarka laga gaaray.

Hase yeeshee Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaaliya mudane Shariif Sheikh Axmed oo ka hadlayey arrintaas wuxuu Yiri: “waxaan doonayaa in sanadkan ay Soomaaliya nabad noqoto islamarkaana ay ka dhacdo doorasho xor ah waxaan rajeynayaa in ay ugu danbeyb doono wax dowladda ka hor imaada kooxda Shabaab dowladda Soomaaliyeedna waxay diyaar u tahay in ay caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee mutacallimiinta”.

SomaliSwiss Dar-Asalam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: