Magaalada London oo u Muuqaal ekaatay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

London, Caasimaddii ugu wayneyd dalka Ingifriiska Dabkeeda ayaa baxaya, xaafado badan oo ka tirsani waxay wehel u noqdeen dhac, bililiqo, cabsi iyo dembiyo abaabulan wax markii hore loo arkayay dibad bax caadi ah iyo rabshado madani ahaa oo ka bilowday woqooyiga magaalada London, gaar ahaan halka loo yaqaan Tottenham.

Dhismayaal isugu jira, kuwa ganacsi iyo kuwa deegaan oo waawayn ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo meherado badanna farataysi loo gaystey tiiyoo aanay waxba soo kordhiyin joogista booliiska oo marba dhan u cayrsanaya dad dhalinyaro u badan oo ka goows haysta wax ay booliisku ku tiraabeen ‘DEMBIILAYAAL ABAABULAN’.

Rabshadahan ayaa sabtigii ka qarxay Tottenham oo ay isu soo bexeen dad ka dhiidhinayay nin ay booliisku toogteen balse iminka xaalku faraha ayuu ka baxay oo wuxuu gaarey xaafado kale sida Camden, Enfield, Chalk Farm, Croydon, Ealing iyo meelo kale iyo xitaa magaaloyin ka baxsan London sida Birmingham, Bristol, Manchester iyo Liverpool.

Waxaa naga yaabiyay in Sidii Muqdisho oo kale warfidiyeenka qaarkood aysan xitaa tegi Karin goobaha ay wax ka socdaan, iyagoo ka baqaya in kaamirooyinka laga dhoco’’ sida ay cadeeyeen in badan oo ka mid ah warbaahinta oo haatan isticmaalaya Helicoptero ay ku rakiban yihiin Satalite-yo.

Dabcan, Madaafic iyo rasaas lagama maqlayo magaalada London, laakiin mashaakil kale uma harsana, marka aad holaca iyo kala yaaca aragtid waxaad soo xusuusaneysaa Muqdisho oo meelo ka mid ah madaafiic ku dhacday.

R/Wasaaraha Britain David Cameron oo fasax ugu maqnaa Talyaaniga ayay khasab ku noqotay inuu soo gaabsado maalin joogiisa, isagoo haatan dib ugu soo noqday London si uu kulan ula qaato kooxda amaanka ee loo yaqaan COPRA.

Sida ay sheegayaan ciidamada Boliiska Scotland Yard waxaa lasoo qab qabtay KU DHOWAAD 400 qofood oo 36 ka tirsan dembiyo lagu hayo, iyadoo jidadka lasoo dhoobey booliiska rabshadaha la dagaalama oo aad u fara badan.

Dadkii caadiga ahaa noloshoodii waxaa daba geddiyay oo madaxooda mijo ka dhigey tuugo aan maan lahayn iyadoo xaafadaha qaarkood guryaha laysugu soo gelayo, gaar ahaan meelaha wax lagu tuhmayo.

Magaalada London ayaa yeelatay muuqaalka u eg midkii Muqdisho ee 1992-kii, waxaana lagu macnayn karaa meelaha qaar inay yihiin goobo dagaal, (War Zone) iyadoo ay dadka qaarkii soo xusuusteen waayihii uu socdey dagaalkii 2-aad ee dunida oo ay magaalada dambaska ka dhigi jireen weeraradii dhanka cirka ahaa ee kaga iman jirey taliskii naazigii Jarmanka.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: