Madaxweynaha Kenya oo Beesha Calamka ka codsaday in dalkiisa laga raro qaxootiga Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweyne Mwai Kibaki  ayaa wuxuu maanta magaalada Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan gudi dawlada Maraykanka u xil saartay la socoshada gar gaarka la siiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxooytiga Kenya iyo Ethiopia ayaa wuxuu  ugu baaqay caalamka in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkiisa ku nool laga raro, xerooyin looga sameeyo gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in xeryaha qaxootiga Kenya ku yaala ay buux dhaafeen loona baahan yahay in wax laga qabto qulka qulka dadka tirada badan ee Soomaalida ah ee soo gaaraya dalkaas.

Dhanka kale Mwai kibaki waxaa uu sheegay inay muddo badan soo dhaweynayeen qaxootiga Soomaaliyeed taasina ay keentay in xeryuhubuux dhaafaan waxaana uu gudiga uu loa kulmay oo ay hogaaminayso xaaska M/weye ku xigeenka Maraykanka John Bidden oo lagu magacaabo Jill Bidden waxaa uu  u sheegay in loo baahanyahay in qaxootiga Soomaaliyeed xeryo looga aas aaso gudaha dalkooda sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Kibaki ayaa xusay in dawladiisu ay  gacan ka geysanayo abaabulida xeryo gudaha Soomaaliya laga aas aso Q,M iyobeesha caalamkana looga baahanyahay inay ku quudin u fidiyaan.

Si kasta ha ahaatee Madax ka tirsan xukuumadda Nairobi ayaa dhawr jeer oo hore ka dhawaajiyay in loo baahanyahay in la dhimo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee wadankaKenya.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: