Fu’aad Shongole oo la sheegay in uu ku geeriyooday dagaaladii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhowa Horjoogayaasha Shababka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu dambeeyay Maleeshiyaadka Kooxdaasi looga dilay tiro badan oo horjogayaal ah kuwaasoo qaarkood looga cararay agaga dagaalka.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjooge Fu’aad Maxamed Khalaf uu ka mid noqday Horjoogayaashii lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee Kooxdani soo qaaday, waxaana la dilay tiro badan oo horjogayaal iyo Maleeshiyaad ah.

Horjogahaan ayaa la sheegay in Maleeshiyaadka isaga daacad u ah uu ku lahaa degaanka heliwaa iyo degmada Buula burte, wuxuuna Xarakadaani u qaabilsanaa dhinaca wacyi gelinta iyo diiri gelinta Maleeshiyaadka iyo kuwa loo diyaariyo iney falal is-qarxin ah ka fuliyaan goobaha loogu tala gala oo ay ku sugan yihiin Saraakiisha, Ciidamada dolwada KMG ah iyo xarumaha Amisom.

Horjogahaan ayaa dhowr mar ka badbaaday isku dayo lagu dili lahaa kuwaasoo ay kala maleegeen Horjoogayaasha Shababka iyo Xarakada Majmaca ee Dowlada taageersan, dhimashada Horjogahaan ayaa soo dedejisay burbur iyo kala daadasho ku yimid hanankii iyo isku xirkii Maleeehsiyaadka kooxda Shababka, inkastoo khilaafkaan horjoogayaasha dhexdooda ah iyo dhaqaale xumo aad u baahsan ay soo food saartay kooxdani ay horseeday iney ka baxaan aagagii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, sidoo kale Horjoogayaasha Hogaanka u hayay kooxdaani ayaa sidoo loo aaneynayaa burburka Kooxda, kuwaasoo diiday iney tanaasulaad la yimaadaan isla markaasna hogaanka warejiyaan Horjoogayaashani ayaa ka soo jeeda Waqooyiga Somaliya, degaanadaasi oo ay ka gaabiyeen iney halgankooda ku baahiyaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: