Advertisements

Nabadoon lagu magacaabo Xasan Xuseen Alloore oo xalay lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo

undefinedHalkaan ka akhri

Nabadoon Xasan Xuseen Alloore

Dilka Nabaddoon Xasan Xuseen Alloore ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysnaa Baastoolado, kuwaasi oo ku toogtay Masjid lagu magacaabo Macmuur oo ku yaala nawaaxiga halka loo yaqaano Cagaarweyne ee Xaafada Garsoor oo ah dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalgacyo.

Allaha u naxariistee Nabaddoon Xasan Xuseen Alloore ayaa ahaa nabadoonada sida aadka ah looga qadariyo magaalada Gaalkacyo.

Dableydii dilka geysatay ayaa si nabad ah isaga tagay goobta uu falka ka dhacay, iyadoo aanay jirin ilaa iyo iminka wax war ah oo ay kasoo saareen maamulka Puntland ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dilkan loo geystay Allaha u naxariistee nabaddoon Xasan Xuseen Alloore ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa Nabaddoono horay loogu dilay gudaha magaaladaasi, iyadoo aanay jirin cid lala xiriiriyo.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: