Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay shalay booqasho ku tageen dalka Uganda waxaana maanta la kulmay dhigiisa dalkaasi Yuweri Museveni, waxayna Labada Madaxweyne kulankaasi ay kaga Wada-hadleen Jabkii loo geystay Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo sii adkeyn lahaa guullaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Argigixisada.
Sidoo kale Kulanka Labada Madaxweyne ayaa ka dhacay aqalka Madaxtooyada dalkaasi waxaana si gaar ah diirada loo saaray xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii Amaanka guud dalka Loo adkeyn lahaa maadaama ay dhowaan inta badan uu amniga Caasimadda dowladdu ku guuleysatay in kooxihii Qalalaasaha ka waday laga saaro Sidaas waxaa Saxaafadda u sheegay Ra,isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa tilmaamay in madaxda inta ay joogaan dalkaas ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta labada dal, isagoo intaa ku daray in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Yugandha sidii ay u sii wadi lahaayeen guullihii laga gaaray howlgallada ay wadaan ciidama dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu farta ku fiiqay in arrimaha ay ka wada hadlayaan labada Madaxwayne Soomaaliya iyo Yuganda ay ahmiyad wayn u leedahay guulaha laga gaarayo dhankna ammaanka.
SomaliSwiss  Kampala
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.