Golaha Ganacsatada Soomaaliyeed oo lacag Boqol-kun doolar ah ugu deeqay dadka abaaraha ay hayaan ee ku sugan gudaha Dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Xaflad lagu maamusaayay bixinta deeq lacageed oo dhamayd 100-kun oo doolar oo ay ka soo qaybgaleen Mas’uuliyiin kala duwan ayaa maant lagu qabtay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedada Munaasabadaasina ay ahayd bixinta Deeqdaasi lacagta.

Hadal uu munaasabadaasi uu ka soo jeediyay Xoghayha guud ee Ganacsatada iyo Maalgashiga Soomaaliyeed Dr. Riwdaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in deeqdaan lacageed ee ka kooban 100-kun doolar ay ugu talogaleen sidii loogu taakulayn lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha haysta, wuxuuna sheegay in lacagtaan ay tahay mid ay ka soo uruuriyeen ganacsatada golahaasi, isagoo halkaasi amaan uga soo jeediyay Gudoomiyaha Golahaasi Xaaji Axmed Nuur Cali Jimcaale oo uu tilmaamay inuu dadaal dheer u galay soo uruurinta lacagtaasi.

Dr. Ridwaan oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in lacagtaan wax wayn ka tari doonto nolasha dadka abaaraha ka soo barakacay, wuxuuna balan qaaday inay ka go’an tahay inay sii wadi doonaan taakulaynta dadka abaaraha haysta, isagoo kula balamay Mas’uuliyiinta Hay’adda maareynta Masiibooyinka Soomaaliya in deeqdaan lacageed u maamulaan sida ugu wanaagsan.

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya C/laahi Maxamed Shirwac ayaa halkaasi ka balan qaaday inay si cadaalad ah deeqdaasi lacageed u gaarsiin doonaan dadka barakacayaasha ah ee deegaanadooda uga soo barakacay abaarta ka jirta dalka Soomaaliya.

Munaasabadaasi waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Mu’tamarka Islaamka Maxamed Nuur Gacal iyo Cumar Xaaji Cali oo ka mid ahaa wafdiga Deeqaha ee Dowladda Kuwait, iyadoo ugu dambayntii halkaasi Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya C/laahi Maxamed Shirwac lagu gudoonsiiyay Jeeg ay ku qornayd lacag dhan 100-kun oo doolarka Maraykanka.

SomaliSwiss Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: