Ganacsatada Suuq Bacaad oo si rasmi ah u ballan qaaday in ay wadashaqeyn joogto ah la yeelan doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

War saakay naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ganacsatada Suuq Bacaad oo ah Suuqa Labaad ee ugu weyn dalkeena ay si rasmi ah u ballan qaadeen inay wadashaqeyn joogto ah la yeelan doonaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya si amaanka guud ee Suuqaasi loo xaqiijiyo islamarkaana suuq Bacaad uu noqdo goob aan ku dhuumaaleysan karin haraaga Al-shabaab.

Kulan ay yeesheen Mas’uuliyiin ka socotay Ciidamada qalabka Sida iyo ganacsatada Suuqaas ayaa waxaa hadal ka jeediyey Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Suuq Bacaad sheikh Cali Maxamed Maxamuud ayaa tibaaxay in ay dhankooda si buuxda ula shaqeyn doonaan ciidamada ammanka, isagoo ku ammaanay ciidamada dowladda sida ay u sugaan ammaanka suuqaasi iyadoo aysan ka dhicin wax dhac ah.

Guddoomiyaha Suuq Bacaad ayaa tilmaamay in ay xoojin doonaan wada shaqaynta kala dhaexeeysa ciidamada dowladda maadaama ay saraakiisha ciidamada ay u ballan qaadayn in aysan dhici doonaan saameyn ku yeelanaya ganacsigooda ay ay geystaan ciidamada dowladda, waxa uu intaa ku daray in suuqa laga difaaco kooxaha doonaya in ay rabsahdo ka sameyaan suuqa.

Si kasta ha ahaatee Shalay ayey ahayd markii uu Kormeerkii ku soo sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiil kale ay ku gaareen Suuqa labaad ee ugu wayn magaalada Suuq bacaad, waxaana halkaas laga furay Maxkamad hoos tagto Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: