Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegay in magaalada Muqdisho loo sameeyay ciidamo gaar ah…

undefinedHalkaan ka akhri

 Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada Muqdisho loo samaysay Ciidamo gaar ah  ee Sugidda Amaanka guud, kadib markii ay Xarakada Al-Shabaab isaga baxeen, ayadoo dhanka kalena Dowladdu Shaaca ka qaaday in dhallinyarada la qalday  ee ka tirsanayd Al-Shabaab la siinayo fursado loogu dhisaayo Mustaqbalkooda.

La taliyaha Ra,isulwasaaraha Soomaaliya ee dhanka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in Ciidamadan gaar ah ee u sugaya ammaanka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo lagu go’aamiyey shirkii Golaha Wasiirada ay Shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo gaar ah oo ka qayb qaadanaya gargaar qaybinta laga wado magaalada Muqdisho si aysan u dhicin wax qalalaaso ah, waxa uu intaa raaciyay in ay intaasi oo idil ay barbar socon doonto maxakamad ciidamadaasi la shaqeyneeso.

Sidoo kale Egn. Yariisoow ayaa sheegay in xukuumadda KMG Soomaaliya ay baaq u direeyso dhalinyarada ay ka carareen maleeshiyadii bur-burtay ee Al-Shabaab waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhalintaasi ay ka caawineyso dhan walba sida waxbarashada wacyogalinta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Hase yeeshee Afhayeenka dowladda ayaa xusay in R/wasaaraha xumuumadda iyo gollahiisa wasiiradda in ay hambalyo ay u dirayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo guul ka gaaray in kooxdii hororka ahayd ee Shabaab in laga saaro magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: