Rag hubeysan oo dad rayid ah ku dilay deegaano katirsan degmada Cabud-waaq.

undefinedHalkaan ka akhri

Magaalada Caabud-waaq ee goballka Galgaduud ayaa kooxo hubeysan habeenimadii xalay waxaa ay ku dileen labo ruux oo rayid ah, iyaga oo sidoo kale dhaawacay qof xoolo dhaqato ah.

Deegaannka falkan uu ka dhacay oo lagu magacaabo Goryaalle ayaa in muddo ahba waxaa ka taagneyd xurguf iyo waliba xiisad u dhaxeysay Beelo halkaa wada daga, waxaa lasheegay in dhowr jeer oo hore sido kale dil iyo dhaawacyo loo geysteen dad rayid ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in deegaannkii uu dilku ka dhacay xalay uu iminka ka taagan yahay xiisad colaadeed oo ka dhax aloosantay labada Beelood ee xurguftu u dhaxeyso, inkastoo la sheegay in halkaa loo dirray ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca, si ay xaalada u dejiyaan.

Deegaano hoos taga Goballka Galgaduud ayaa waxaa kusoo badanaya colaadaha u dhaxeeya Beelaha halkaasi wada dega, marka loo eego gobolada kale ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaallada ka dhax dhaca dadka reer miyiga ah,  kuwaasi oo marka danbe isku bedela xitaa in uu gaaro Magaalooyinka waaweyn.

SomaliSwiss Cabudwaaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: