Halkaan ka akhri
Golaha Wasiiradu ayaa  Shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho, ka dib markii shalay Al-Shabaab laga xorreeyey magaalada.
Golahu waxey ugu horreyntii hambalyo u dirayaan geesiyaasha ciidamada Dowladda Soomaaliyeed iyo AMISOM oo ku guuleystay dagaaladdii kana saaray magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Golahu waxey hambalyo u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, uguna baaqayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan oo garab is-taagaan dowladdooda. Waxaana shacabka laga rabaa inay ka hor-tagaan cid allaale iyo cidii isku dayda inay amni daro
ka sameyso dalka.
Sidoo kale Xukuumaddu waxey u direysaa baaq nabadeed dhammaan dhalinyaradii ka tirsaneyd Al-Shabaab kana codsaneysaa inay ku soo biiraan walaalahood, loona soo dhoweyn doono si xushmad leh.
Golahu waxey isku raaceen in si deg-deg ah loo sameeyo Ciidan gaar ah oo qaabilsan sugidda amniga iyo la dagaalanka burcadda iyo in maxkamad gaar ah loo sameeyo arrimaha sugidda amniga Muqdisho. In amniga la xoojiyo iyo in hay’adaha gar-gaarka ay si nabadgelyo ah u gutaan howlahooda muhiimka ah si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. Suggida amniga waxaa mas’uul ka ah hay’adaha amniga ee dowliga ah oo kaliya, ma jiri doonaan, mana la aqbali doono ciidan aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda inay ka howlgalaan magaalada.
Golahu waxey si adag u cambaareeyeen falkii ka dhacay xerada Bad-baado 5tii August 2011 oo ay ku geeriyoodeen 3 qof, kuna dhaawacmeen 5 qofood. Golahu waxey sheegeen inuu falkaas ahaa mid dhaawac u geystay sumcaddii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, isla markaana maxkamad la horkeeni doono cid allaale iyo cidii ka danbeysay falkaas. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla 5tii August u xilsaaray Taliyayaasha Booliska iyo Nabad-sugidda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadaas foosha xun.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.