Xilligan maxaa soo dedejiyay in kooxda Al-Shabaab ay isaga baxaan magaalada Muqdisho?

undefinedHalkaan ka akhri

Dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi ee ka faalooda xaaladaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan xarakada Al-Shabaab iyo dabeecadihii in muddo ah lagu yaqiin ayay lama filaan ku noqtay war dhegahooda kusoo dhacay maanta subaxnimadii hore ee Waqtiga Soomaaliya, kaas oo ahaa in Al-Shabaab ay isaga huleeleen magaalada Muqdisho.

13-kii January 2009 ayay ahayd markii ciidammadii Ethiopia ee dalka xoogga ku soo galay ay bilaabeen in ay isaga baxaan Muqdisho, Maalinkaas iyo maalmihii xigayba waxay dadka Soomaaliyeed isgu hambalyeynayeen bixitaanka Ethiopia, si la mid ah sida ay maanta isugu hambalyeynayaan jabka iyo bixitaanka Al-Shabaab.

Hadaba xaqiiqda waxa ay tahay, Horjoogayaasha Kaaxdani ayaa dejin Istratejiyad fog iyo mid dhow oo saaxada siyaasada Somaliya ay kaga sii dhax muuqan karaan, marka la eego marxaladihii la soo gudboonaaday dhaqaaqa kooxda Shabaabka, bilihii la soo dhaafay.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa in Al Shabaab ay xiligan la tacaaleyso dhibaatooyin ay ugu waaweyn yihiin:

  • 1- Hogaanka sare oo ka mid ah Kooxdani iyo Wakiilka Al-Qaida oo dhowaanahan la dilay uu is maandhaaf iyo mugdi ku dhex jiray in muddo ah.
  • 2- Dhaqaale xumo laga dhaxlay dagaaladii dheeraa ee ka dhacay Muqdisho, Gedo iyo Jubooyinka, iyo Istraateejiyad dagaal oo degan oo aysan soo diyaarin Hogaanka kooxda
  • 3- Khilaaf soo kala dhexgalay hogaanka Shabaabka iyo waliba Ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya.
  • 4- Hogaanka iyo dhaqaalaha Kooxda oo ay taladiisa isku koobeen xubno ka soo jeeda Waqooyiha Soomaaliya.

Culeys soo wajahay Hogaanka Al Shabaab 8-dii bishii June ee sanadkan 2011, Dilkii Fazul Cabdullahi Maxamed ayaa dhabar jab weyn ku ahaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ninkan lagu tilmaami jiray hogaanka Al Qaida ee Geeska Afrika ayaa ahaa sidoo kale nin dusha ka maamula Xarakada AL Shabaab iyo xubnaha Ajaanibta ah ee ku sugan dalka Soomaaliya kuwaasi oo gacanta siiya Xararkada. Dilkiisa oo ku yimid si kadis ah markii ay koox ka tirsan ciidamada DKMG ay rasaas ku fureen gaarigii uu Fazul saarnaa oo isku dayey inuu xoog ku jiiro xarunta ay fadhiyeen ciidamada dowlada ex kontoroolka Afgooye xili habeenimo ah.

Waxay ahayd arrin la filayay jabka Kooxdaan meel ay gaartaba, waxaase is waydiidntu tahay maxaa keenay jabkan deg degga ah.

Ma jirto sabab keeni karta in ay waarto koox aan heysan taageerada dadka ay u taliso meel kasta ha gaartee, waxaase jira arrimo muuqda oo qeyb ka ah jabka Kooxdaani.

Tan Hore, waxay tahay in aan kooxdu lahayn Ujeedo iyo hadaf siyaasadeed oo cad oo ay bulshadu ku garab istaagi karaan, iyadoo hogaaneedu uu ka soo jeedo Gobolada Waqooyiga ay ku guuldareysteen iney degaanadaasi barnaamijkoodu gaarsiiyaan, sidoo kale waxaa soo dedejiyay falalka guracan ee Gowraca iyo gumaadka Shacabka Sooomaaliyeed iyo gaaleysiinta qofkii aan iyaga ku fikir ahayn, Calanka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo astaamo laga soo minguuriyay gaalada, iyo ficillo iyo fikiro kale oo gurracan ma ahan wax marnaba lagu kasban karo quluubta dadka Soomaaliyeed ee wanaagga jecel.

Arrin kale oo jabkooda soo dedejisay waxay tahay iyagoo oo waayay dhaqaale ay ku sii huriyaan dagaalka, kadib markii ay sababtooda ku xirmeen suuqyadii waaweynaa ee kooxdu badda ka qaadan jirtay, taasi oo keentay in carruurtii la khaldii jiray ay dagaalkii iyo is qarxintii ka soo jeestaan, markii ay xaqiiqsadeen in uu been ahaa hadaaqii hoggaamiyayaashooda ee ayaa in ay Alaska ku furan doonaan Aakayaasha ay wataan.

Arrin kale waxay tahay Niyad jabka weyn ee hor joogayaasha kooxdu ka qaadeen geeridii Horjoogihii Alqaacidda Osama Bin Laden oo la dilay bishii May ee sanadkan iyo sidoo kale dilkii Ciidammada Soomaaliya u geysteen 8-dii bishii June Fazul Cabdalla Maxamed oo ahaa hoggaamiyaha Alqaacidda ee geeska Afrika.

Horjoogaha kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane, waxa uu ku sheegay farriintii ugu dambeysay ee uu soo diro in Kooxdooda ay haysato dhibaato wayn oo dhinaca hoggaanka ah, kadib markii sida uu sheegay ay dhammaadeen dadkii wax galka ahaa oo ula jeedo ajaanibtii la laayay.

Khilaafka u dhexeeya madaxda maleeshiyaadka Shabaab, ayaa isna qeyb ka ah jabka soo degdegay ee Alshabaab, waxaa la tilmaamayaa in kooxdu u kala jabtay labo isbahaysi oo kala ujeeddo ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rag ay ku jiraan Xasan Daahir Aways iyo Mukhtaar Roobow ay qorsheynayaan in ay dhisaan urur cusub, markii ay ku daaleen Al-Shabaab.

Marka laga soo tago guuldarrooyinka milatari iyo dhaqaale xumiada baahsan ee mudooyinkaan dul hoganeysay kooxdani ayaa lagu sababeyn karaa Hogaan iyo maamul xumo ay horseedeen shaqsiyaadka waqooyiga ka soo haajiray, waxaa hubaal ah in ilaah aqbalay habaarka iyo huqda hooyooyinka Soomaaliyeed ee ay carruurtoodii iyo raggoodiiba ku laayeen dagaallada xaq darrada ah, ka dibna ay gaajo u dileen markii u diideen in gargaar la gaarsiiyo.

Waxaa hubaal ah in hooyada Soomaaliyeed ee lugeysay 500 oo Km si ay u hesho wax ay dhuunta mariso, waddadana ay uga dhinteen carruurtii qaaliga ahaa ee ay dhashay aysan abaal u hayn una duceynaynin Al-Shabaab.

Kooxdani ayaa jabkooda dhaboowday, kadib markii taariikhda Soomaalida iyo aadanahaba ka galeen baal madow, jabkoodu waa hadiyad ay ku socota carruurta ay Shabaab agoonteeyeen, hooyooyinka ay Al-Shabaab gablamiyeen, Madaxdii Soomaaliyeed ee ku baxay gacanta Al-Shabaab iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo maanta xaq u leh in ay farxad iyo rayn rayn ku ciidaan.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: