Kooxda Al-Shabab oo ka baxday degmada Ceelbuur iyo Baladweyne oo uu dhaqdhaqaaq sidaasi oo kale ah ka socdo.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidamada Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, xilli ay guud ahaan magaalada Muqdisho baneeyeen.

War naga soo gaaray degmada Ceelbuur ayaa sheegaya Ciidamo iyo gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah ay barqanimadii maanta ka baxeen degmada Ceelbuur, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamadaas ay magaalada dhanka Koofur kaga baxeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ka baxay halkaasi ay ka soo jeedaan Gobolada Bay iyo Bakool, isla markaana sababaha ay uga baxeen ay tahay qaab deegaan ahaan.

Ciidamada ayaa Gawaari tiil Saldhiga degmada Ceelbuur horay u sii qaatay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in wali ciidamo aan badneyn ay ku sugan yihiin degmada.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in is bedelka Muqdisho ku yimid aanu saameyn doonin Gobolada dalka ee ay ka taliyaan, isagoo ugu baaqay Maamulada deegaanada inay howlahooda sii wataan.

Kulan Hogaanka Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayay degmada Balcad ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, kaas oo xataa kala aragti duwanaan uu ka dhashay, inkastoo markii dambe ay isku raaceen in ay ka baxaan magaalada Muqdisho, deegaanada Gobolada dalkana sidooda ugu sii wadaan maamulka.

Waxaa la qiyaasiyaa in ay xaaladu u socoto sidii xilligii Maxkamadihii Islaamka ay sitimaan gudeheeda ciidamadii Ethiopia ugala wareegeen guud ahaan inta badan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale war aanu goor dhow ka helnay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu dhaqdhaqaaq xoogan ka socdo gudaha magaalada, kaasoo lasaadaalinayo in ciidamada Al-Shabaab ay isu diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahaayeen magaalada.

SomaliSwiss Ceelbuur

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: