WARBIXIN FAAH FAAHSAN
Halkaan ka akhri
Xalay markii Saacaddu ay ku beegneyd 11-kii Habeenimo ee waqtiga Soomaaliya ayaa xarakadqa Al-shabaab waxay weerar Saf ballaaran ku qaadeen Jiidaha hore ee ay isku horfadhiyeen Ciidamada dowladda KMG, AMISOM iyo kuwa Ahlu Sunna.
Dagaalka ayaa bilowday markii Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen uu fariisimo Ciidama dowladda ay ku leeyihiin aaga dagaalka ee degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, degmada Dayniile iyo degmooyinka Woqooyi ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo maalmihii u dambeeyay dhinacyadaasi ay isku horfadhiyeen.
Ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa dagaalka waxa ay isku adeegsadeen rasaas iyo Madaafiic aad u xoogan oo ku dhacaysay goobaha lagu dagaalamay iyo sidoo kale meelo ka baxsan taasi oo dhawaqeeda laga maqlayay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir saaamayna ku yeelatay dadka shacabka ah.
Intaasi kadib ayaa Al Shabaab oo dagaalka looga itaal roonaaday waxa ay isaga baxeen fariisimihii inta badan ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho sida degmooyinka Kaaraan, Yaaqshid, Huriwaa, Suuqa Bakaaraha, Dayniile iyo qeybo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyagoo la tilmaamay inay u ruqaansadeen dhinaca deegaanada loo barakacay, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in goobaha ay baneeyeen Al Shabaab intooda badan aysan gaarin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, hase ahaatee ay ku wajahan yihiin.Â
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.