Afhayeenka Al-Shabaab oo cadeeyay in ay isaga baxeen guud ahaan magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa cadeeyay in ay guud ahaan ciidamadooda iyo Saraakiishooda isaga baxeen magaalada Muqdisho, kadib markii uu wareysi gaar ah siiyay Idaacada iyo webside-yada ku hadla codka Al-Shabaab.

Sheikh Cali Dheere ayaa sheegay in sababaha ay uga baxeen magaalada Muqdisho ay tahay si ay u badbaadiyaan nolosha dadka rayidka ah iyo qaab dagaal oo cusub, isagoo tilmaamay in ciidamada AMISOM ay adeegsadeen awoodoodii u dambeysay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa yiri ” Saacadaha soo socda waxaa la arki doonaa howl galo cusub iyo qidad dagaal ah, luuq kasta iyo goob kasta, waxaan uga baxnay magaalada Muqdisho in aanu shacabka badbaadino” oo intaa ku daray in qorshe cusub ay dajiyeen.

Dhinaca kale website-yada ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa iyagu xalay shaaciyay in ciidamada xarakada ay dagaal afar gees ah ku qaadeen dowladda iyo Amisom, inkastoo maanta gelinkii hore ay ka noqdeen, iyagoo sheegay in dagaalkii xalay la qaaday looga baxafarsamo dagaal.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: