Wafdi ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay UNESCO iyo UNDP oo booqasho ku tagay gobolka Sool ee dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee Gobollada Puntland Soomaaliya ayaa sheegaya in  shalay ay booqasha ku tageen degmada taariikhiga ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool laba wafdi oo kala socday Qaramada Midoobay iyo Dawlada Puntland.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa ka kala socday hay‘adaha UNESCO oo dhinaca waxbarahsda iyo dhaqanka u qabailsan Qaramada Midoobay iyo UNDP oo dhinaca hormarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Sidoo kale labada hay’adood ayaa u kuura galayay dhinacyada amaanka, horumarka, waxbarashada,caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah nolosha bani‘aadamka.

Mas’uuliyiinta Puntland ee la  socday Wafdigaas wuxuu ka mid ahaa wasiiro, agaasimayaal iyo saraakiil ciidan Waxaana horkacayayMas‘uuliyiinta dawlad Goboleedka Puntland wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan waxaa kaloo wefdiga ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar iyo agaasimaha wasaarada amniga Gaani Cali Yusuf.

Madaxa hay’ada UNDP Nick Beresford ayaa ka xogwareystay waxgaradka magaalada Taleex dhinaca mashaariicda hormarineed iyo sababaha uu u hirgali waayay golaha degaanka degmada Taleex.

Dhanka kale Wax garadka degmada Taleex ayaa uga warbixinayay Wafdiga xaalada magaalada Taariikhiga, waxayna sheegeen in aysan magaaldu yeelan maamul awood leh tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya sanadii 1991.

Waxgaradka waxay intaa raaciyeen in sanadii 2007 mar laga hirgaliyay golaha degaanka, hase ahaate uu u shaqayn waayay duruufo dhaqaalo awgood, sidoo kale Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dhamaan adeegayada aasaasiga ee bulshada ee degmada Taleex aysan shaqanaynin marka laga reebo dugsiga oo ay maal galiyaan qurbajoogta Taleex.

Waxaa kaloo waxgaradka degmada Taleex ay uga warbixiyeen saraakiishii ka sooctay hay’ada UNESCO duqayntii arxandarada ahayd ee ay boqortooyada Ingiriiku ka gaysatay magaalada Taleex sanadii 1921 xiligii ay dagaalka kula jrtay mujaahidiintii Daraawiishta, waxaana ay ka dalbadee Qaramada Midobay in mag dhaw laga bixiyao xasuuqii arxadarada ahaa ee ay gaysatay boqortooyada Ingiriisku, kana codsadeen UNESCO in ay Taleex u aqoonsato goob taariikh dhaxal gal ah (World Heritage).

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa UNESCO ka codsaday in si deg deg ah dayactir loogu smaeeyo goobaha taariikhiga ee ku yaala magaalada Taleex gaar ahaan Qalcadihii Daraawiishta islamarkaan ku booriyay UNESCO in ay World Heritage u aqoonsato Taleex.

Madaxa UNDP oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo magaalada taariikhiga ee Soomaaliya gaar ahaan degaanka Puntland ee Taleex.

Si kasta ha ahaatee Mr Nick Beresford  ayaa sheegay in uu yimid Taleex si uu u dhagaysto baahida bulshada isla markaan uu gudo gasho hay’adiisa wixii ay qaban karaan isagoo intaa raaciyay in ay la shaqeeyaan dhamaan wasaaradaha Puntland isla markaama ay kaabaan booliska Puuntland, wuxuuna hadalkiisa ku soo gabgabeeyay in mashaariicda hormarineed aan loogu talagalin oo qudha magaalooyinka laamiga ku yaala, balse loo baahan yahay in la soo gaarsiiyo degaamada sida Taleex oo kale ah.

SomaliSwiss    Taleex

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: