Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay ogyihiin weerarada ay maleegayaan Al-Shabab.

undefinedHalkaan ka akhri

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ogyihiin weerarada ay maleegayaan Al-Shabaab, islamarkaasna ay ka foojigan yihiin falal ammaanka ka dhan ah oo ay ka abaabulayaan meelaha ay ku sugan yihiin, wuxuuna faafaahin ka bixiyay koontoroolo ay ka hirgaliyeen meelaha Al-Shabaab laga saaray.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Shariif Sheikh Khunaa maye oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgesho magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay si aad ah uga foojigan yihiin weeraro ay maleegeyso Xarakada Al-Shabaab in ay ka geesato xeryaha ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay gobollada dalka, isagoo tilmaamay in kooxda Shabaab uu gaaray bur-bur baahsan oo ka dhashay howlgalladii ay sameyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Shariif Sheikh Khunaa Maye ayaa hoosta ka xariiqay in la diyaariyay ciidamo Boliis ah oo sugan ammaanka xeryaha qaxootiga si aysan falal qar budaad ah uga geysan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Wuxuu kaloo taliyaha uu faafaahiyay baro koontool oo ay ka sameyeen meelihii laga saaray kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab kuwaa oo ku kala yaala isgoyka Siinaay, Afarta Darjiin, geed Jacayl iyo isgoyska Bakaaraha, waxa uu xusay taliyuhu in baaritaan la marsiin doono dhammaan gaadiidka iyo dadka isticmaala waddoyinkaasi.

Hase yeeshee taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu sheegay in ay xog badan ka hayaan waxyaabaha ay abaabulayaan kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyed sidaasi darteedna ay ku jiraan taxadar dheeraad ah oo arriamahaasi looga hortagayo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: