Hilary Clinton oo ugu baaqday Al-Shabab inay u ogolaadaan dadka abaaruhu halakeeyeen in si bani’aadannima ah loo gaarsiiyo gargaarka.

undefinedHalkaan ka akhri

Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka  Hilary Clinton ayaa ugu baaqaday Xarakadda Al-Shabab oo haatan maamusho qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya inay u ogolaadan dadka abaaruhu halakeeyeen in si bani’aadannima ah  loo gaarsiiyo gargaarka.

Sidoo kale Hillary Clinton waxay sheegtay in Xarakadda Al-Shabab looga fadhiyo inay xanibaada ka qaadaan hay’adaha gar gaarka si ay u suuro gasho in gar gaar la siiyo dadka abaaruhu ku haystaan gobolada ay ka jiraan maamulada Al-Shabab waxaana ay sidoo kale tilmaantay in Shababka looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan u gurmashada dadka abaaraha la il daran inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Hilary Clinton arrintaas ka hadlaysay waxay tiri: “ Waxaan ugu baaqaynaa Al-Shabab inay ogolaadaan in si xor ah gar gaar lagu siiyo dadka abaaruhu sida weyn u saameeyeen si ay suuro gal u noqoto in noloshooda la bad baadiyo” sidoo kale Hilary Clinton oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabatay xafiiskeeda magaalada Washington ku yaala waxayna intaasi sii raacisay in kumanaan ruux oo haween iyo caruur u badan ay ku dhibaateysan yihiin gobolada gacanta Shabab ku jira.

Dhanka kale Hilary Clinton waxay ku dhawaaqday gudi baaritaano ku sameeya heerka gargaarka loogu talo galay in la gaarsiyo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku xoolo belay abaaraha dalka ka jira waxaana guddigaas oo xaqiiqo raadin hogaaminaysa xaaska M/weyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden oo lagu magacaabo  Jill Biden.

Hase yeeshee Gudigaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay booqasho deg deg ah ku tagaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala wadanka Kenya oo ay ku jiraan kumanaan ruux oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo ka cararay xaaladaha dalka ka jira.

Si kasta ha ahaatee hadalka  ka soo yeeray Hilary Clinton ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Q.M sheegtay in ka badan (640, 000 Lix boqol iyo afartan kun) oo caruur ay macaluul iyo  nafaqo darro ku hayso gudaha  Soomaaliya.

SomaliSwiss    Washington

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: