Somali Republic Airways…. Xalaal iyo Xoog… Haday Xamar taal… Midna Lama Xuso.

DAAWO SAWIRADA DIYAARADDA

undefinedHalkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sh. Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay safarro isdaba socday oo ay ku kala bixinayeen wadamada Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Sudan waxay isticmaalayeen diyaarad cusub oo aan ahayn kuwii hore loogu yaqiinnay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaalkan u adeegsaday, markii ugu horeysay  diyaarad nooca yar-yarka ah oo ay ku daabacn tahay astaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya( Republic of Somalia)iyadoo shaki badan laga muujiyay cidda iska leh diyaaradaan.

Waxaa jira warar siyaabo kala duwan uga hadlaya cidda sida saxda ah u leh diyaaraddaan,haddii ay Soomaali yihiin ama ajnabi yihiin, hase yeeshee, wararka iskhilaafsan labada ugu macquulsan ayaa tibaaxaya in diyaaradaan ay ka mid ahayd diyaaradihii yar yaraa ee Somali Ariline, hase yeeshee Sheikh Shariif oo kasoo qaaday wadankii hayay oo aan la shaacin, halka warbixin kale oo macquul ah iyaduna sheegayso, in diyaaradaan uu leeyahay Madaxda Shirkada SKA ee maamusha garoonka diyaraadaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo labada Shariif ugu deeqay inay isticmaalaan markii ay u baahdaan.



Si kastaba ilaa iyo hadda lama helin xaqiiqda saxda ah ee ku saabsan diyaaraaddaan, waase lasoo ogaanayaa dhowaan, inta ka sokaysana, waxay noqonaysaa…hadday Xamar tagto xalaal iyo xoog midna kuma xuma.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: