Ra’isal wasaare C/weli oo shaaciyay in ay dagaalka Al-Shabaab sii wadayaan inta ay hubka ka dhigayaan.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dagaallada ay kula jiraan xarakada Al-Shabaab uu sii  socon doono  inta ay hubka ka dhigayaan, ilaa ay Dowladda KMG ah kala wareegayso guud ahaan gobollada Dalaka Soomaaliya.

Sidoo kal

Sidoo kale Mudane C/weli Maxamed  cali Gaas ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso si ay u soo celin lahayd amaanka guud ee dalka, markaas kaddibna ay ka shaqeyn doonto sidii dadka dhibaateysan gargaarka loo gaarsiin lahaa.

Ra’iisul wasaaraha oo wareysi siiyay Radio Muqdisho oo ku hadla afka Dowladda KMG ah wuxuu yiri: “Howlgallada ay dowladdu ku jirto waa kuwo sii socon doonta inta laga gaarayo hadafka laga leeyahay oo ah in dalka oo dhan amaankiisa lasoo celiyo,”

Dhanka kale Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay dagaal ay la gashay Xarrakada Al-shabaab ku qabsaday qaybo ka tirasn degmooyinka Muqdisho iyadoo gacan ka heleyso  ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ra’iisul wasaare C/weli Gaas.wuxuu shaaca ka qaaday in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin gobollada ay Xarrakatul Shabaab maamusho, ayna dowladda KMG ah ka go’an tahay inay dadkaas kaalmooyinka gaarsiiso.

Hase yeeshee hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo Qarammada Midoobay ay sheegtay in abaarta Soomaaliya ay ku baahday saddex goobood oo cusub, ayna dhici karto, haddii aan dadka ku nool goobahaas la gaarsiin kaalmooyin deg-deg ah ay dhiman doonaan Gaajo awgeed toddobaadyada soo socda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: