Qaramada Midoobay oo sheegtay in goobaha ay joogaan Xarakada Al-Shabaab ay ku sii badanayso waxyeelada Abaaraha.

undefinedHalkaan ka akhri

Qaramada  Midoobay ayaa sheegtay in ay ku sii badanayso waxyeelada abaarta goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab oo diiday in dadka dhibaateysan gargaar loo geeyo.

Qoraal  warbixin ah ee ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay ku sii fideyso macluusha goobo hor leh oo ay joogaan kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in goobahaasi ay ka ka mid tahay gobolka Shabeellada Hoose wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo meelo kale.

Qaramada Midobay ayaa waxay walaac ka muujisay xaaladda macluusha ku sii kordhayso qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, sida ay sheegtay Grin Molin oo ah haweeneyda u qaabilsan Q.M dhinaca latalinta laanta ammanka ee Soomaaliya in kooxda Al-Shabaab gacantooda ay ku dhinteen dad badan oo ay abaartu saameysay, kuwaasi oo ay u diiday in ay soo aadan meelaha ay ka helayaan gargaarka.

Sidoo kale Grin Molin ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay qaadaneyso  go’aan gargaar lagu gaarsiinato dadka ku nool meella ay joogaan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab”waxaa aad uga xumahay dhibaatada ay la kulmayaan dad ay iyaguba abaar si darran u saameysay in la ciqaabo oo la cunnaqabateeyo Shabaab dadka dhibaayetsan waa in ay eegaan oo ay  naxariis u muujiyaan” ayeey tiri madax latalinta laanta ammaaka Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya Grin Molin

Hase yeeshee waxaa maalmahan isa soo tarayo baaqyada loo jeedinayo kooxda Shabaab ee ku aadan in ay u ogalaadaan dadka macluulsan in gargaar loo fidiyo maadaama  goobaha ay iyagu joogaan ay dad badan macluul ugu dhimanayaan, balse xarakada Al-Shabaab ilaa iyo haatan ma aysan ka jawaabin baaqyada loo jeediyey.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: