Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay isaga baxday tuulooyinka ku yaal inta u dhaxeysa degmada Maxaas ilaa Baladweyne, islamarkaana ay ciidamadii halkaasi joogay isaga baxeen.
Warku waxaa uu intaasi ku daray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee deegaanadaasi isaga soo baxay ay u soo jiheysteen dhanka magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan dagaalada looga itaalka roonaaday ee ka soconaya gobolka Banaadir.
Wax war ah kama soo bixi maamulka Al-Shabaab ee ka arimiya gobolka Hiiraan, balse dadka deegaanka ayaa si aad ah ula yaabay ka bixitaanka ciidamada Al-Shabaab ee deegaanadaasi.
Dhanka kale warar ku dhow dhow kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya sababta ay deegaanadaasi u faarujiyeen in ay tahay, maleeshitaadkan ku sugnaa deegaanadaasi in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Baladweyne |