HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
 Madaxweynaha kaltanka Switzerland Micheline Calmy-Rey ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ujeedada Socdaalkeeduna ahaa inay indhaheeda ku soo aragtoXaaladda adag iyo musiibada Abaaraha ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Micheline Calmy-Rey ayaa waxay shalay booqasho ku tagtay Xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan qaxooti gaaraya ilaa 400.000/kun oo badinkooda ka yimaaday dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay gacanta ku hayso hay’adda Qaramada Midoobay uga qaabilsan Qaxootiga.
Hase yeeshee Micheline Calmy-Rey, kadib markii ay booqatay Xerada Dhadhaab, waxay ogaatay in loo baahan yahay kaalmo ka badan tan haatan la haayo ayey tiri, waxayna intaas sii raacisay in Gobolka Geeska Afrika ay ka dhacday mussibo aad u ballaaran.
Sidoo kale Lars Knuchel oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Switzerland ayaa xalay warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Calmy-Rey ay xaqiijisay in dadka qaxootiga ah ay baahi weyn u qabaan in laga gargaaro dhinaca Caafimaadka, loona baahan yahay in loo helo Dhakhaatiir dheeri ah oo dabooli kara baahida jirta.
Afhayeenku wuxuu caddeeyey in Madaxweyne Calmy-Rey ay doonaysa inay hor-dhigto Golaha Dowladda xaaladda iyo waxyeelada Abaaraha ay geysteen ee ay ku soo aragtay goobihii ay tagtey, balse waxay caddeysay in ay jirto baahi degdeg ah ee loo qabo in la helo Biyo-nadiif ah, marka laga soo tago Raashiinka iyo Daawooyinka.
Madaxweynaha kaltanka Switzerland Micheline Calmy-Rey, intii ay joogtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay kulamo la yeelatay Wakiilada Hay’adaha Caalamiga iyo khubarrada ku xeel-dheer ka soo shaqeeyey quudinta dadka ku habsata Musiibooyinka.
Si kasta ha ahaatee Switzerland ayaa ilaa haatan Musiibada abaaraha Geeska Afrika ay ku caawintay lacag gaarayso 14 milyan oo Faranka Swiss ah, sidoo kale laba toddobaad ka horna ay ku wareejisay Hay’adaha Qaramada Midoobay lacag dhan 4,5 oo dheeri ah, hase yeeshee Madaxweyne Calmy-Rey waxay caddeysay in lagacagahaas aad u yar yihiin, balse loo baahan yahay in la kordhiyo.
SomaliSwiss    Zürich
Tarjume: Dr. A. Dhicisow
Filed under: Muqdisho |