Hay’adaha Ammaanka dalka Soomaaliya oo ka hadlaya adkaynta nabad gelyada deegaanadii laga eryay Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Shir ay yeesheen dhammaan hay’adaha ammaanaka dalka Soomaaliya, islamarkaana looga hadlayay sidii loo sugi lahaa ammaanka goobihii laga saarayXarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab lagu qabtay magaalada muqdisho.

Kullankaasi oo ay wada joogeen dhammaan mas’uuliyiinta hay’adahaas waxaana ka mid ahaa Taliyada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha hay’adda Nabad sugidda iyo Abaan-duullaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana shirka markuu dhamaaday saxaafadda kula hadlay goobtaasi Agaasimaha hay’adda  Nabad sugidda Soomaaliya Mudane Axmed Macalln Fiqi, wuxuuna  sheegay in  dadka ku nool goobaha laga xureeyay Al-Shabaab ay kala hadleen in sidii ay qayb wayn uga qaadan la haayeen xaqiijinta ammaanka goobahaasi.

Sidoo kale Agaasimaha wuxuu tilmaamay in ay ka aqbaleen dadka ku nool goobaha laga xureeyay in ay la shaqeyn doonaan ciidamada dowladda ee howlgalka ka wada goobo badan oo magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Axmed Macallin Fiqi wuxuu sheegay in ay wadaan qorsho cusub oo xagga ammaanka ah, islamarkaana goor dhow laga dareemi doon magaalada Muqdisho iyo gobollada ay howlgallada ka socdaan, sidoo kale wuxuu intaa ku daray in arrintan ay muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si ay ka faa’ideystaan dadaalka ay wadaan hay’addaha amniga ee dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: