Xarakada Al-Shabaab oo Shalay Kismaayo ku boobtay gargaar Jaliyadaha dibaddu direen.

Aargada_kismaayo SomaliSwiss Pictures

undefinedHalkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe, waxay magaalada Kismaayo ka boobeen, raashin afur ahaa oo loo qeybinayay dadweyne masaakiin ah, kaas oo ay ugu deeqeen jaaliyadaha reer Kismaayo ee dibadaha ku dhaqan.

Dhacdadaan ayaa timid, markii boqolaaldad ah oo safaf ku jira, isla markaana loo qeybinayay Afur ay ku soo baxeyn saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ururka Al Shabaab, isla-markaana waxay si qasabahayd ku kala eryeen dadkii loo  qeybinayay afurka, iyagoo qaatay raashinkii afurka ahaa ee la qaybinayay, isla markaana horey u sii kaxaystay dadkii qeybinta u xil saarnaa.

Afurka dadkaas dadka masaakiinta ah loo qeybinayay ayay dadka deegaanku sheegeen inay soo dhiibeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada dibadaha, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka, kuwaas oo dadka deegaanka u soo wakiishay qeybinta raashinkaas Afurka loogu talo galay.

Xarakada Al Shabaab ayaa lasheegay inay ka carootay in Maamulka Xarakada Al Shabaab la-gacan dhaafo, isla-markaana ay dad kale oo aan maamulka ka mid ahayn halkaas ka wadaan howlo xarakada ka madax banaan, inkastoo dadka qaybinayay ay ahaayeen kuwii loo wakiishay.

Lama oga, halka ay Al Shabaab geeyeen dadkii afurka qeybintiisa loo wakiishay, iyo raashinkii ay boobeen intaba, hase yeeshee  waxay arrintaasi dhacdo layaab leh oo filan waay ah ku noqotay shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Kismaayo.

Dadka deggan magaaladda Kismaayo ayaa waxay isla dhex marayeen xalay oo dhan inay Al-Shabaab ku yaqiiniin caburin oo kaliya, laakiin aysan ku ogeyn inay boobaan afur loo qeybinayo dad masaakiin ah, taas oo markii ugu horeysay shalay galab ay ku dhaqaaqday Xarakada Al Shabaab ee ka arrimisa Kismaayo.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: