R/Wasaaraha Dalka Norway oo ka qeyb galay Aas Qaran oo loo sameeyay Gabar Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra'isal Wasaaraha Norway oo u tacsiyaynaya Muna Abdi Nur Hooyadeed-SOMALISWISS

Waxaa shalay si heer Qaran ah loogu aasay magaalada Oslo ee dalka Norway , Muna abdinur oo ahayd Gabar soomaaliyeed kana mid ahayd 69 qofood oo 22-kii July lagu laayey jaziirada Utoya ee Dalka Norway.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA

R/wasaaraha Dalka Norway Jens Stoltenberg iyo xaaskiisa ayaa Soomaali fara badan kala qeyb galay aaska Muna oo ahayd 18 jir dhiganeysay dugsiga sare.
Hadal kooban oo uu ka jeediyey goobtii aaska, Qabuuraha Hoybroten, ayuu R/wasaaruhu ku sheegay in muna aysan ka geeriyoon kaliya Qoyskeeda iyo Somalida, balse ay ka geeriyootay dhamaan dadka iyo dalka Norway. wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeey Muna hooyadeeda oo lagu magacaabo Canab.

69 qofood oo u badnaa Caruur ka tirsaneyd xisbiga talada dalka Norway haya ee Arbeids partiet, Labor Party ayaa waxaa ku jiray labo qofood oo Soomaali ah, Alle ha u naxariistee Muna Abdinur oo 18 jir ahayd iyo Ismaciil Xaaji Axmed oo ahaa 19 jir.

22 kii July, ayaa dadka reer Norway uga dhigan maalintii ugu murugada badneyd ee taariikhda soo marta wixii ka dambeeyey dhamaadkii dagaalkii 2-aad ee adduunka markaasoo ay dadka reer Norway si xoogan ula dagaalameen Ciidamadii Naziga ee Dalka Jarmalka.
Anders Behring Breivik oo 32 jir Norwegian ah ayaa maleegay Qarax weyn oo lala beegsaday Xafiiska R/wasaaraha Norway ee magalaada Oslo halkaasoo ay ku dhinteen 7 qofood isagoo saacad ka dibna si naxariis darro ah ugu dilay 64 qofood oo dhalinyaro ahaa Jaziirada Utoya.
Qaasim Nero SomaliSwiss  Oslo.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: