Madaxii Al-Shabaab ee deegaanka Caliyaalo oo la dilay iyo xiisad colaadeed oo halkaas ka taagan.

undefinedHalkaan ka akhri

Xiisad dagaal ayaa lagu soo waramayaa iney ka jirto Maanta deegaanka Caliyaale oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe,  ka dib markii uu shalay halkaas ka dhacay iska horimaad u dhexeeya Maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab iyo ciidan beeleed kaasoo Baangado iyo Faasas nafta looga qaaday gudoomiyihii xarakada Al-Shabaab ee deegaanka Caliyaale.

iska hor imaadkaan dagaal ayaa bilowday shalay galabtii markii maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay isku dayeen iney kala eryaan dad isugu yimid goob tacsiyadeed taasoo keentay in ciidamo beeleed ka tirsan kuwa deegaanka ay la soo baxaan hubkooda halkaasna uu ka dhaco iska horimaad labada dhinac dhexmaray, iyadoo ay taasi fududeysay in dadweyne caraysan ay gacanta ku dhigaan madaxii Al-Shabaab ee deegaankaas oo aan xilligaas haysan gurmad badan.

Cali Maxamed oo lasheegay inuu ahaa sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Caliyaale iyo qof ka mid ah dadkii ka qeyb galayey tacsida halkaas ka dhaceysay ayaa shalay halkaas ku geeriyooday, hase yeeshee gurmad Al-Shabaab u socday oo goor dsambe deegaanka gaaray ayaa bilaabay inay qabqabtaan dadweyne ay ku eedeeyeen iney shaqaaqada halkaas ka dhacday abuureen.

Arrintaas ayaa keentay inay sii laba kaclayso xiisaddii shalay, iyadoo dadka deegaankana la sheegay inay gaareen gurmadyo kale, waxayna Wararkii ugu dambeeyey ee maanta gelinkii hore ee waqtiga Soomaaliya sheegayaan in Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamo beeleedyo ka tirsan deegaanka Caliyaale ay ka dhex aloosan tahay xiisad dagaal, taas oo ay isku hor fadhiyaan bartamaha Caliyaale, waxaana wararku ay sheegayan in goobaha ganacsiga ay xiran yihiin socodka dadka iyo gaadiidkana uu aad u yar yahay, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo labada dhinac mararka qaarkood ay isla eeganayaan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horey ugu soo rogtay deegaanada ay maamulaan ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, awaamiir ay dul dhigeen dadka deeganadaas, hase yeeshee, waxaa waqtoiyadaan dambe, isa soo tarayay, amarkooda oo la diido iyo lala dagaallamo meelaha qaarkood.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: