Hey’ad Laga leeyahay dalka Switzerland oo Magalada Marka ee Gobalka shabeeleda Hoose ka billaawday howlo gargaar ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Hey’adda new way oo ah, hay’ad laga leeyahay dalka Switzerland waa waa hay’ad Samafal oo fadhigeedu yahay Magalada Marka ee Gobalka shabeeleda Hoose, kana howl gelaysay deegaannadaas, in ka badan toban sono ayaa gobolkaas dib uga  billawday howliheedii iyo gagaarkii ay halkaas ka wadi jirtay.

Waxyaabaha New Way gobolkaas ka qabto ayey ka mid yihiin Caafimaadka, nadaafadda, Ceel-qodista, Waxbarashada iyo u gaargaaridda dadka taagta daran ee masaakiinta ah.

Hey’adda ayaa ugu deeqday dadka Abaaruhu waxyeeleeyeen Gargaar kala duwan oo ay ku jirto lacag cadan ah, iyadoo ku wargelisay howlwadeenadeeda jooga magaalada Marka inay la soo socodsiiyaan hadba heerka ay mareyso, si kor loogu sii qaado howlaha gargaarka hay’adda, sida guud ahaan xaaladda Abaaraha iyo weliba gaar ahan, dadka Beereladeeyda ah habkii gacan looga siin lahaa in aysan aysan ka qixin guryahooda.

Ugu danbeyntii Hay’adda New Way waxay sheegtay  inay la qeebsanayaan Soomalida xilliga Adag ee Abaaraha ee ay ku jiraan, waxayna u mahad celisay hay’addu Maamulka Al-shabaab ee ka arrimiya deeganadaas oo u oggolaaday in Heyadaha Samafalka ay dib uga shaqeyn karaan qaar ka mid ah Kooonfurta Soomaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: