Dowladda KMG ah oo caddeysay inay sii wadayso dagaalada ay kula jirto xarakada Al-Shabaab ilaa ay kala waregayso goobaha ay joogaan.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya C/Weli  Maxamed Cali Gaas   ayaa caddeysay in dowladda ay sii wadayso dagaalada ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab, Ra’iisul wasaaraha  oo ka hadlaayay  waxqabadkiisa tan iyo intii xilkaan loo soo magacaabay ayaa si buuxda u sheegay  inay ku dadaaleen inay wax ka qabtaan Dhinaca Ammaanka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare C/Weli ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah Todobaadkaan la wareegeen deegaano faro badan oo ay Al-Shabaab  gacantooda ku jiray.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cabdi Welli ayaa sheegay in  gargaarka la gaarsiin doono goobaha ay mudooyinkan dagaalada ka dhacayeen iyo goobaha Al-Shabaab maamulaan  oo ay doonayan inay ka saari doonaan.

Hase yeeshee Ra’iisul wasaaraha wuxuu  Ciidamada Dowladda KMG ah kula dardaarmay kana codsaday  inay sii wadaan dagaalada, islamarkaana adkeeyaan ammaanka goobihii ay kala wareegeen Al-Shabaab, wuxuuna ku adkeeyay inaysan dagaalada joojin ilaa Shabaab ay ka saarayaan dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: