Xildhibaankii shalay ladilay oo Maanta Aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa maanta Aas-qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka KMG Soomaaliya oo xalay kooxo hubaysan ay dileen xilli uu kasoo baxay mid kamid ah Masaajidda ku taalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Habeenimadii xalay ayey kooxo hubaysan ku dileen Khaliif Jire Warfaa oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya, iyadoo maanta allaha u naxariistee Xildhibaankaasi Aas-qaran oo ay kasoo qeyb galeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda loogu sameeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Aaska kahor ayaa Marxuumka Salaaddii Jannaasada waxaa lagula Tuktay Masjidka Madaxtooyada, iyadoo uu sidoo kale kasoo qeyb galay Ra’isal wasaare  C/wali Max’ed Cali, waxaana dhamaan Mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeyb galay Salaadaasi Janaasada ah ay Ilaahay uga baryeen in Naxariistii Janno ka wareebiyo Marxuum Khaliif Jirre Warfaa.

Salaada Janaasada kadib Marxuumka waxaa lagu Aasay Qabuuraha Sheikh Suufi oo ku yaalla nawaaxiga Madaxtooyada, waxaana markii uu soo gaba gaboobay Aaska Xildhibaankaasi la hadlay Saxaafadda Xildhibaan C/qaadir Daahir Ciiro oo marka hore tacsi udiray Eheladii iyo Qarabaadii uu ka geeriyooday Marxuum Khaliif Jiro Wafraa.

Xildhibaan C/qaadir Daahir Ciiro ayaa waxaa uu ku eedeeyay dilka Marxuum Khaliif Jire Warfaa in ay ka dambeeyaan Kooxo nabad diid ah, waa sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in dowladda KMG Soomaliya ay gacan bir ah ku qaban doonto.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: