Muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo SomaliSwiss soo gaarsiiyay deeq lacageed oo uu ugu tala galay dadka ku dhibaateysan abaaraha Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

C/raxmaan Unzul oo ah muwaadin u dhashay wadanka Tirkiga ayaa deeq lacageed oo dhan 600 Doolar u soo diray barakacyaasha ku jira Kaamka Mooragaabo Xaafada Hodan ee Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Unzul oo ah nin Muslim ah una dhashay Turkiga, kana damqaday dhibaatada haysata barakacyaasha Somaaliyeed, ayaa waxaa uu deeqdaasi lacageed barakacyaasha u soo mariyay  Mustaf Bashiir Gobdoon oo ay saaxib yihiin kuna sugan dalka Switzerland ee magalada Zürich.

Mustaf Bashiir  Gobdoon ayaa waxa uu isna deeqdasi u soo wakishay inuu u qeybiyay barakacyaasha ku jira kaamka Mooragaabo ee Degmada Hodan Sheekh Muxiyidiin Sheikh Cali Muumin oo isagu ah Guddoomiyaha kaamkaasi.

Sheekh Muxiyidiin  ayaa  isna waxa uu maanta deeqdaasi lacageed oo gaaraysa 600 Doolarka Mareykanka ah si habsami ah ugu qeybiyay 567 Qoys barakacyaal ah oo ku jira xerada Marakaabo, iyadoo  qofkiiba ku soo hagaagtay 200-kun Shilin Somali ah.

Qaar ka mid ah barakacyaashaaasi maanta deeqda lacageed la guddoonsiyay oo la hadlayay Idaacada XURMO  ayaa ugu mahadceliyay Muwaadinkaasi u dhashay dalka Turkiga oo lagu magcaabo C/raxmaan Unzul kaalmadaasi wax ku oolka ah oo uu u soo dhiibay walaalihiisa Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Haddaba Bahda Warbaahinta SomaliSwiss waxay uga Baaqaysaa Soomaalida ku dhaqan guud ahaan dalkan Switzerland  gaar ahaan Soomaalida Ku nool in ay Taageero gargaar ah siiyaan Soomaalida ku dhibaataysan dalka gudahiisa.

 Sidoo kale waxaan dhamaan ku wargelineynaa Soomaalida degan dalka Switzerland in dhibaatadii Abaaraha ay ka sii dareyso loona Baahan yahay in la Taageero Walaalaha Gaajeysan, Qofkastoo inaga mid ah waa inuusan ku ekaan in uu lacag u diro Ehelkiisa oo keliya, waxaana waajib inagu ah in aan is ku wargelino in dadkaas loo uruuriyo Taageero dhaqaale, Sidaas darteed waa xili adag oo loo  baahan yahay in loo gurmado dadka ku macluulay Abaaraha.

Walaalka iyo Walaasha Soomaaliyeedow haka xishoon oo ku dhiiro in aad badbaadiso ummadaada dhibaateysan ilaah baa wax badbadiyee, balse ma reebana dadaalka iyo in la saacidi kara dadkaaga.

Hadda haddii aan nahay Bahda Warbaahinta SomaliSwiss, annagoo ku hadlayno magaca Soomalida ku nool Kanton Zürich, waxaan halkaan uga Mahadnaqeynaa qoyska ka soo jeeda dalka Turkiga ee Muslimka ah ee deggan Magaalada Zürich oo sadqeeystag lacag dhan 600 SFR ah, waxaana leenahay waad Mahadasandiin.

Waxaan soo jeedinaynaa haddii qofkasta oo Soomaliya oo haayo fikrad ama Taageero sidii ummada loo gargaari lahaa ha nagala soo xiriiro cinwaankeena SomaaliSwiss.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: