Madaxweyne Shariif iyo Meles Zanawi oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada & Abaaraha.

undefinedHalkaan ka akhri

Kulankii uu la yeeshay shalay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sh. Shariif Sheikh Axmed Raisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Meles Zenawi. Ayaa la sheegay in Labada masuul ay ka wada hadleen arrimaha Abaaraha baaxada weyn ee ka jira Soomaaliya iyo sida xun ay Al-Shabaab/Al-Qaeda ay uga soo horjeesteen in shacabka gaargaar loo fidiyo.

Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu u sheegay Raisul-wasaaraha in qaxooti aad u farabadan ay saacad walba usoo gudbaan xuduudaha ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya iyo Kenya.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay dowladda Itoobiya  kaalmeeyso shacabkaas kasoo qaxay Al-Shabaab/Al-Qaeda.

Sidoo kale Raisul-wasaaraha dalka Ethiopia wuxuuu caddeeyey in Ethiopia ay marwalba garab taagan tahay dadweynaha Soomaaliya lana wadaagayo Madaxweyne  Shariif waaya-arragnimo ay Ethiopia u leedahay xagga abaaraha., Raisul-wasaare Meles Zanawi wuxuu sheegay in Ethiopia  ay Soomaaliya ka saacideyso dhanka logistikada iyo sidii ay ugu qeyb qaadan laheeyd gaarsiinta  gargaar xuduudaha Soomaaliya iyo gudaha Soomaaliya.

Waxay kaloo labada Masuul ay ka hadleen amniga Geeska Africa iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya looga helo xal nabadeed iyada oo la og yahay in ay Soomaaliya hada Al-Shabaab/ Al-Qaeda iyo Abaar xun ay ka jiraan, taasna ay u gudbi karto dhamaan Geeska Afrika.

Safarka  Madaxweynaha waxaa ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Mudane Maxamed Maxmuud Xaaji Ibrahim,Wasiirada Haweenka  iyo qoyska  Marwa Maryan Aweys,iyo Wasiirkiii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Mudane Cabdi Rashiid Khallif Xaashi.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: