Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib socdaal shaqo oo uu madaxweynuhu ku tagay qaar ka mid ah dalalka gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeen, wasiiradda Haweenka Maryan Aweys iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisu waxay safarro ku kala soo bixiyeen  dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Suudaan, kuwaas oo uu la soo kulmay hoggaamiyeyaashooda.

Si kasta ha ahaatee wafdigii la socotay Madaxweynaha  ayaa waxay  warbaahinta u sheegeen  in kulmadii uu madaxweynuhu la yeeshee dhammaan madaxdii ay ka wada hadleen xaaladda waddanka Soomaaliya gaar ahaan  abaaraha iyo gargaarka ay u baahan yihiin dadka barakaca iyo qaxootiga ah ee ku dhibaateysan dalalka deriska ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: