Halkaan ka akhri
Wadamada dunida muslimka qaarkood ayaa la arkay habeenimadii xalay ee bisha Luliyo ahayd 31keeda, waxaana maanta oo Isniin ah 1da bisha August ay tahay  maalintii ugu horreysay ee bisha barakeysan ee Ramadan, taasoo keentay in dadka Muslamiinta ah 99%  ay wada Soomaan manta. Â
Inta badan wadamada caalamka ayaa shucuubta ku nool waxaa laga dareemaya sida ay ugu diyaar garoobeen bisha Ramadan oo Xalay laga wada arkay qaybo ka mid ah Dunida Muslimka ah.
Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya maanta oo Isniin ah Gobolada Dalka Soomaaliya oo dhan laga sooman yahay inkastoo ay jirto Abaar aad u xun, sidoo kale waxaa la’isku raacay inay tahay Soon, waayo qaar ka mid ah Wadamada Caalamka oo laga arkay Bisha Baraykanka ee Ramadaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa xalay cadeeyay in maalinta biri ah ay tahay Soon, islamarkaana Umadda Islaamka ah meel waliba ay joogaan looga baahan yahay inay gutaan Waajibaadka kasaaran bishaan, iyadoo qaar ka mid ah Masaajidda ku taalla Magaalada Muqdisho caawa laga wada tuktay Salaadda Sunada ah ee Taraawiixda.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Xarakada AL-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in maanta ay tahay Soon loona  baahan yahay in lasoo dhaweeyo bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Somaliland ayaa xalay la sheegay in Mas’uuliyiintooda ay  isku raaceen in maanta oo Isniin ah ay tahay Soon, waxaana ay ugu baaqeen dhamaan Umadda Islaamka ah meel waliba ay joogaan inay ka faa’idaystaan Bishaan Baraykaysan ee Ramadaan oo ah bisha ugu fadliga badan bilaha kale ee Sanadka.
Masaajidada Magaalada Muqdisho xalay waxaa laga tukaday salaada Taraawiixda taasoo astaan u ah in Maanta ay tahay Maalin Soon, dadkuna ay iskugu hambalyeynayaan Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Sidoo kale Wadamada qaar ayaa soo saaray warbixino dadka loogu wacyigalinayo fadliga bisha Ramadan waxaana wadamadaasi ka mid ah dalka Morroco.
Wasaaradaha arrimaha Diinta ee wadamada Ialaamka, gaar ahaan kuwa carabta badankood ayaa dadka ugu baaqay inay mar kaliyas wada soomaan kana faaideystaan fadliga ay xambaarsan tahay bisha Ramadan.
Dalka Soomaaliya magaalooyinka uga waaweyn ayaa si weyn u sugayeen bisha Ramadan iyadoo guud ahaan ay buux dhaafiyeen suuqyada cuntooyinka iyo cabitaanada lagu iibiyo.
Bisha Ramadan ayaa ah bil leh ajar  badan oo dadka muslimiinta ay kaga faaideystaan dambi dhaaf iyo raxmada Alle, iyadoo bisha Ramadaan sanad walba kumanaan qof uu Alle naarta ka xoreynaya.
Haddaba Maamulka Warbaahinta SomaliSwiss ee Switzerland wuxuu Aqristayaashiisa iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ku wacyi gelinayaa inay u gargaaraan dadka Soomaaliyeed ee abaartu ku habsatay, sidoo kale Warbaahinta SomaliSwiss waxay Muslimiinta meel kasta ay joogaan ugu Hambalyeynayaa Bisha barakeysan ee Ramadaan Kariim.
SomaliSwiss    Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.