Rag hubeysan oo xalay maqribkii toogasho ku dilay xildhibaan ka tirsan Golaha Barlamanka Soomaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Rag hubeysan ayaa xalay maqribkii ku toogtay degmada Xamar weyne Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan toogashada Xildhibaankaas.

Xildhibaankan la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay  Khaliif Jire Warfaa waxaana lagu toogtay nawaaxiga Masaajidka Marwaas ee degmada Xamar weyne, xilli uu ka soo baxay Masjidkaas, isla markaana uu sii galayay Hotelka ku dhegan Masaajidka ee la yiraahdo Hotel 900.

Kooxahan ku hubeysnaa Bastoolad ayaa ka baxsaday oo ka cararay goobtaas, waxaana goob joogayaal ay sheegeen in ilaa lix xabadood Xildhibaanka ay ugu dhacday qaarka hore ee jirkiisa.

Sidoo kale waxaa la shegay in Xildhibaanka la dilay uu ka soo jeeday Gobolada Jubooyinka, sidaas waxaa  xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee lama oga kooxaha ka dambeysa, balse dilkan ayaa dadka waxay dib u soo xusuusineysaa dilalkii qorsheysnaa ee lagula kacayay saraakiisha Dowladda iyo xubnaha Dowladda ka tirsan, oo mudooyinkan laga nastay in la maqlo dhacdooyin noocan ah.

 Inkastoo  ay Xaalada degmada Xamar weyne ay deggan tahay, hase ahaatee waxaa xaafadaha degmadaas lagu arkayo Ciidamo Boolis ah oo markii falku dhaceen soo gaaray goobta, baarisna ay ka billaabeen.

Marxuum Khaliif Jire Warfaa Alle ha u naxariistee waxay da’diisa aheyd 54-sano jir, waxaa uu ku dhashay degmada Afmadow, waxaana uu ka soo baxay Dugsigii beeraha ee degmada Afgooye, wuxuu Dowladii C/llaahi Yuusuf  ka soo noqday wasiir Kuxigeen Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: