Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in dagaalladii Muqdisho ka dhacay ay ciidamadooda ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

 undefinedHalkaan ka akhri

Col. Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dagaalladii Muqdisho ay kula galeen Xarrakada Al-shabaab ay ciidamadooda kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka, ayaa sheegay in afar askari looga dilay furumaha dagaalka, sidoo kalena looga dhaawacay sideed askari oo kale, kuwaasoo afar ka mid ah ay u dhinteen dhaawacydii soo gaaray.

afhayeenka AMISOM oo u warramayay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga wuxuu yiri: “Dagaalladii Muqdisho waxaan nooga dhintay afar askari, sideed kelena way nooga dhaawacmeen – kuwaasoo afar ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyo halis ah oo soo gaaray,”

Sidoo kale Col. Paddy Ankunda wuxuu sheegay in askarta laga dilay aysan hor-istaagayn dagaalka ay kula jiraan Xarrakada Al-shabaab, isagoo dagaalladii ka dhacay Muqdisho ku tilmaamay kuwo lagu sugayo ammaanka goobaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in howlgalladaas ay sii socon doonaan , balse wuxuu carrabka ku dhiftay ee uu yiri: “Ujeeddada dagaalladu waa in la sugo ammaanka barakcayaasha iyo sidii lagu gaarsiin lahaa gargaarka.”

Dhanka kale hadalka afhayeenka AMISOM ayaa ku soo beegmaya, iyadoo afhayeenka ciidamada ee Xarrakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay inay ku dileen dagaalladii Muqdisho saraakiil iyo ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM.

Si runta dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa waxay dowladda iyo AMISOM ku qabsadeen xaafado cusub oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay horay gacanta ugu haysay Xarrakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: