Advertisements

Taliska ciidamada Maraykanka Qaaradda Afrika ee AFRICOM oo soo dhaweeyay in aag diyaaradaha ka Caagan laga sameeyo Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

General Carter F. Ham oo ah Sarkaalka ugu sareeya taliska  ciidamada Maraykanku Qaaradda Afrika ee AFRICOM oo waraysi siiyay wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay inay mudan tahay in la taageero qorshe uu hadda ka hor soo jeediyay M/weynaha Uganda Yuweri Musaveni oo ahaa in aag diyaaradaha ka caagan laga sameeyo dalka Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan Xarakadda Al-Shabab.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika Carter F. Ham ayaa wuxuu waraysigiisa ku sheegay inay arrin wanaagsan tahay in cunaqabateyn lagu soo rogo goobaha ay ka jiraan maamulada Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya si loo hakiyo hubka ay dhaqaalaha ay helaan Al-Shabab.

Sidoo kale Jenaraalku wuxuu sheegay in xaaladda amaan ee xilligaan Soomaaliya ka jirta ay abuuri karto walaac badan, wuxuuna  xusay in beesha caalamka looga fadhiyo taageerida dawlada KMG oo uu sheegay inay xilligaan awood u helayso sugida amaanka wadanka waxaana uu amaan ujeediyay ciidamada wadamada Uganda iyo Burundi oo uu sheegay inhawl wanaagsan oo lagu caawinayo dawlada Soomaaliya ay hayaan.

Sarkaalka ugu sareeya taliska AFRICOM Carter F. Ham oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waa in door wanaagsan laga qaataa taageerida dawlada KMG waana muhiim in la qaato go’aanka ah in cuna qabateyn la saaro goobaha Shababku ka taliysaan ee Soomaaliya”, wuxuuna xusay in Ciidamada taliska Qaaradda Afrika ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya. 

Dhanka kale Carter F. Ham wuxuu soo hadal qaaday abaaraha Soomaaliya ka jira waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka inay gar gaaraan dadka abaaruhu Soomaaliya ku haystaan. 

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa dhawr jeer ku cel celiyay in Soomaaliya u baahan tahay in laga gaaro go’aan ah in cuna qabateyn la saaro gobolada Shababku ka taliyo.

SomaliSwiss  Washignton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: