Roobab lagu diirsaday oo xalay ilaa maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

undefinedHalkaan ka akhri

Roobab mahigaan oo Raxmadii Alle  ah oo si aad lagu diirsaday ayaa xalay iyo maanta ka da’aya Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, hase ahaatee  roobabkan ayaa saameeyn ku yeeshee dadka barakacayaasha ah ee dhawaaan xerooyinka looga sameeyay duleedyada magaalada Muqdisho. 

Roobabkaan oo ahaa kuwii xagaaga ayaa marna si xooggan u da’aya   marka kalena yaraanaayey, wuxuuna roobkan  Muqdisho uu ka dhigay mid qaboow xilli dadka ay u baahnayeen roobka oo ay mudo ugu danbeysay inay helaan roobkan oo kale.

Inkastoo roobka da’ay ay  ku qabowsadeen dadku, haddana wuxuu saameeyey dadka barakacayaasha ah ee abaaraha iyo colaadaha ay saameeyeen ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Qoysaska barakaca ah ee dhawaan soo miciin biday magaalada ayaa qaarkood uu roobkaasi saameeyay, mana jirto ilaa iyo hadda khasaare la taaban karo uu roobku sababay, marka laga reebo qaboob daran oo bilowday habeenkii iyo isku socodkii gaadiidka iyo dadka magaalada Muqdisho oo ciriiri galay.

Ha yeeshee waxaa lagu soo warramayaa inay xirmeen wadooyin dhowr ah, kuwaasi oo gooyay roobka da’aaya, iyadoo jawiga Magaalada Muqdisho uu yahay mid qaboow waxaana dadku ay rajeynayaan in ay ku raaxeystaan xilliga roobka xagaagga oo Muqdisho  ka da’aya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: