Advertisements

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo go’doon ku ah gudaha Suuqa Bakaaraha.

undefinedHalkaan ka akhri

Warar la xiriira xaaladda dagaalka oo Saakay naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in suuqa-weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay ku go’doonsan yihiin ciidamo farabadan oo Al-shabaab ah, kuwaas oo ka dhex dagaalamaayay suuqaasi, waxaana afarta jiho ka xiga ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha hogaaminaya ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay gudaha uga  jiraan  suuqa Bakaaraha, gaar ahaan dhanka qaybaha qoryaha iyo caanaha.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada waxay aad ugu wareersan yihiin sida ay ka yeeli lahaayeen ciidamadaan, iyadoona qaarkood ay dalbeen in jid la siiyo si ay meesha uga baxaan, halka kuwa kalena ay soo jeediyeen in meeshooda loogu tago.

Ciidamadaan ayaa tiradooda la sheegi karin hase ahaatee waxaa la hubaa inay yihiin kuwii maalmahaan ka dagaalamaayay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoona ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ay suuqaasi afarta jiho ay ka xigaan.

Hadaba lama oga sida ay Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ay ka yeeli doonaan Maleeyiada Al-shabaab,haddaba waxaa  la mala awaalayaa haddii maleeshiyada Al-shabaab jid loo furo uu dagaalka cuslaanay, balse ay hadii sidaan go’doonka ay ugu jiraanna ay dhici karto inay is dhibaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: