Advertisements

Madaxwayne Sheikh Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Jabuuti.

undefinedHalkaan ka akhri

Madawaxweynaha dowladda KMG Somaliya Sh.Shariif ayaa xalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeedo dalka Jabuuti, sida la sheegay dhowr saacadood kabib wuxuu gaaray Magaaalda Jibuuti ee Jamhuuriyada dalka Jibuuti, Waxaana halkaa ku so dhaweeyay R.wasaaraha dalka jibuuti, Waxa uuna hadda Kulan kula jiraa Madaxwaynaha Dalka aan walaalaha nahay ee Jibuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Waraka ka imaanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in wafdiga Madaxwaynaha la filayo inay  uga sii gudbi doono Dalka Jabuuti, iyagoo ku sii jeedo Waddamo Badan oo ka tirsan Afrika oo uu socdaal shaqo ku soo kala bixin doono.

Sidoo kale Madaxwayne  Sh.Shariif ayaa la sheegay inuu shir jaraa’id uu ku qaban doonaa Marka uu soo dhamaado kulanka uu la leeyahay Madaxwaynaaha Dalka Jibuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

SomaliSwiss   Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: