Advertisements

Dowladda Imaaraadka Carabta oo sheegtay in ay gar gaar isugu jiro Cunno iyo Daawo u soo dirayso dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Sida ay sheegeen Hay’adaha samafalka ee sugan madaalada Dubai in dawlada isku taga Imaaraadka Carabta ay gar gaar deg deg  u soo dirayso Soomaaliya taasoo loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka abaaruhu ku saameeyeen gudaha dalka.

Wakaaladda wararka ee isku taga Imaaratka Carabta (WAM)  war ay faafisay ayaa lagu sheegay in shaqaalo mutadawiciin ah oo ka kala socda hay’adda bisha cas ee Imaaraatka iyo hay’adda gar gaarka ee Khaliifa bin Zayed Al-Nahyan inay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee ay sida weynu saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale Wakaaladda ayaa sheegtay in kooxdaan shaqaalaha gar gaarka ah ee Imaaraatka ka socda inay si gaar ah uga shaqeyn doonaan xerada Badbaado oo ku taala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir halkaasoo ay geyn doonaan deeqda ay ugu talo galeen oo ay ku jiraan raashin nafaqo leh sida warku sheegayo.

Hase yeeshee deeqdaan ayaa lagu soo warramayaa inay  isugu jirto Bariis, Saliida raashinka, Caano iyo Timir ayaa loogu talo galay in lagu caawiyo kumamaanka qof ee abaaraha ku xoolo beelay.

SomaliSwiss    Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: