Advertisements

Madaxweyne Shariif oo Booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee Xalane, halkaas oo ay jiifaan dhaawacyo dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku soo dhaawacmay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa lacag deeq ah gudoonsiiyay dhaawacyada ku jiro Isbitaalka, sidoo kale waxaa uu booqday Xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta ee Brundi, isla markaana kulamo laqaatay Saraakiisha.

Madaxweynaha ayaa waxaa Booqashadiisa ku wehliyay Ra’isul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidamada Militeriga Jen. C/qaadir Sheikh Cali Diini.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sidoo kale la kulmay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidamada AMISOM oo ay ka wada hadleen xaaladaha ammaanka iyo howl galada iminka ka soconaya magaalada Muqdisho.

Sheikh Shariif ayaa intaa kadib waxaa uu halkaasi kula hadlay saxaafada, waxaa uuna sheegay in Al-Shabaab iyo Al-Qaacida aysan dadka u ogoleyn wax nolol ah, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: