Advertisements

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo uga baaqay caalamka in ay ka jawaabaan baahida ka jirta gobolka geeska Afrika.?

     undefinedHalkaan ka akhri 

Madaxwayne Brack Obama ayaa  baaq u jeediyey wadamada dhaqaalahooda horumaray ee  caalamka in ay ka jawaabaan baahida ka jirta gobolka geeska Afrika kaddib markuu kulan uu la qaatay madax ka socctay qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Brack Obama  ayaa hadalkan ka jeediyay shalay kulan uu kula qaatay Guriga Cad ee loogu taliyo dalka Mareykanka  Madaxwaynayaal tiradooda gaaraysa ilaa iyo afar oo ka kala socday dalalka Ivery Coast  Madaxwaynaheeda cusub Alassane Outtara, Madaxwaynaha dalka Benin Boni Yayi, Madaxwaynaha dalka Ghana Alpha iyo madax kale.

Madaxwayne Brack Obama  oo Masuuliyiintaasi kala hadlay sidii loo caawini lahaa dadka ku dhibaateysan gobolka Geeska Afrika oo gaaraya maaliyiin qof, waxa uu tilmaamay in uu ka wal walsan yahay dareenka ku aaddan in dadkaasi aysan helin wax gargaar ah, madaama ay dhibaatadu macluul isku sii beddeleyso.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay madaxdii uu la kulmay in ay wax u qabtaan waddamada gobolkaas ku yaala dadkooda ku dhibaateysan ee walaalahooda ah, waxa uu intaa raaciyay in Mareykanku uu diyaar u yahay gacan ka geysashada dalalka ay abaartu halakeysay sida Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia, isagoo xusay in Soomaaliya ay abaartu gaartay heerkii ugu darnaa muddo nus qarni ah.

Hase yeeshee  Madaxwayne Brack Obma ayaa sheegay in caalamka ay eegaan xaaladda uu haatan ka hadlay ee abaaraha iyo in ay jawaab ka bixiyaan marxaladda ka jirta wadamadaasi, isagoo ugu baaqay wadamada in ay ka qayb galaan u gargaaridda dadka ku macluulsan dalalka ku yaala geeska Afrika.

SomaliSwiss   Washignton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: