Haweeneydii lataliyaha u aheyd Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagudoonsiiyay Bilad Sharaf.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Shaqaalaha Xafiiska Ra’isal wasaraha Soomaaliya ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar.

Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa aheyd haweeneydii lataliyaha u aheyd ra’isal wasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana tan iyo marki uu xafiiska ka tagay ay kamid aheyd shaqaalaha xafiiska Ra’isal wasaaraha.

Dhamaan shaqaalaha xafiiska Ra’isal wasaaraha ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu sagootiyey Marwo Sahra, waxaana ay shaqaalaha gudoonsiiyeen shaado Sharaf.

Marwo Sahra ayaa aheyd qof howl-kar ah, waxaana ay shaqaalaha ku tilmaameen mudadi ay la shaqeynayeen in ay aheyd shaqsi ay si weyn u jeclaadeen howl-karnimadeeda.

Sahro Maxamed Cali Samatar waxa ay kasoo jeedaa qosys siyaasiyiin ah, Aabaheed Generaal Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa Siyaasi caan ah oo dalka wax kasoo maamulay xiligii dowladii kacaanka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: