Advertisements

Ciyaariyahanka David Beckham oo ku guubaabiyey Laacibiinta, fanaaniinta & taageerayashiisa in loo gurmado Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciyaariyahanka caanka ah David Beckam ayaa ku guubaabiyey ugana baaqay ciyaariyahanada caanka ah , fanaaniinta iyo taageerayashiisa in ay ugu deeqaan hey’adda UNICEF Africa si gargar loo gaarsiyo dadka ku nool gobolka geeska  Africa ee abaartu ku habsatay.

Sidoo kale David Beckam ayaa sheegay inuu ku rejo weyn inuu wakiil u noqda Hay’adda  UNICEF, waayo wuxuu caddeeyey  inuu arkay waxyaabo argagax geliyey xaaladda abaaruhu ee ka jirta Soomaaliya , Kenya iyo Ethiopia.

Dhanka kale David Beckam oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Malaayiin dad ah ayay abaartu guryahoodii ka barakicisay iyaga oo megengelyo u raadsaday goobo wax  badan aan dhaamin halka ay ka carareen”.

Hase yeeshee David Beckam oo haatan  booqanayo Siralyon  iy koofurta Sudan ayaa sheegay in xaaldda caruurtu ay tahay mid laga naxo, maalinba maalinta ka danbeysana ay  xaaladdoodu taha mid ka sii dareysa.

Si kasta ha ahaatee hadalka David Beckam ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii shalay ay magaalada Muqdisho soo gaartay fannaad caan ka ah dalka Mareyknaka taas oo xaalad murugo leh ka muujisay dhibatada heysata dadka abaaruhu barakiciyeen.

SomaliSwiss   Jubba

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: